Home » News »

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Qaybgaley Caleemo Saarka Ugaas Cusub Beesha Reer Ow Xasan

Waxaa dhawaan Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey taasoo ku saabsaneyd Caleemo Saarka ugaas Beesha ree Ow Xasan Ugaas Saalax Shiikh Khallif waxaana ka qaybgaley Caleemo Saarkaas Ugaasyo, Malaaqyo , Nabadoono, Garaadyo ,Xildhibaano iyo Masuuliyiiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumey Caleemo Saarkaas.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Wakiilka Imaamka Malaaq Showri Malaaq Colow oo shjeegey in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Caleemo Saarka Ugaaska Reer Ow Xasan , waxaa kale uu sheegey in Beesha mar hore laga rabey in ay yeelato Ugaas hadana Calaamo Saarkaan uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya Dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, maadaama beeshu ay tahay beel Nabadeed.

Waxaa kale uu Malaaq Showri uu kula dardaarmey Ugaaska Cusub ee Beesha reer Ow Xasan in ka shaqeeyo sidii Somaaliya la isu keeni lahaa maadaama Muddo labaatan sano ay ku jireen Dagaalo aan dhamaad laheyn ,wuxuuna kaloo uu kula dardaarmey in uu La garab galo Xilgaas weyn ee Ugaasnimo ee loo Duubey sidoo kjale wuxuu sheegey in beesha uu ka soo jeedyo ee Mudulood wixii haatan ka dambeeya ay la shaqeyn doonto Ugaas Saalax.

Xafladaas waxaa kaloo ka hadley Nabadoon Xooshow oo ka soo jeeda Gobolka Hiraan wuxuuna ugu horeyn u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladda Caleemo saarka Ugaaska Beesha reer Ow Xasan isagoo sheegey in Caleemo Saarka Ugaas uu ku soo beegmey Xili ay umadda Soomaaliyeed u Baahan tahay dib u heshiisiin Guud wuxuuna Ilaah ugu baryey in uu la garab galo Xilgaas Ugaasnimo ee loo unkadey.

Intii ay Xafaladu socotey ayaa waxaa Geeraaro iyo Shiribyo ku soo badhigey Cabdulle Geedo Naar waxayna Geeraradiisu iyo Shiribyadiisu ay ahaayeen kuwa isugu jirey Hogo Tusaaleyn iyo dardaaran taasoo ay si aad augu Qushuuceen dadkii lagu marti qaadey Xafladaas , waxaa kaloo halkaas ka hadley Gudoomiyey ku xigeenka Golaha Baarlamanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey oo u mahadceliyey in gacanta ka geysatey caleemo Saarka ugaaska Beesha Eeer Ow Xasan wuxuu intaa sii raaciyey”Aad baan ugu faraxsanahay in maanta meesha ay yeelato Ugaas waana soo dhaweyneynaa waxaana leeyahay ugaas Cusub ee Beesha in uu isku keeno dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobey labatankii sano ee la soo dhaafey”

Ugu dambeyn waxaa Xafladaas lagu Caleemo Saarayey Ugaas Beesha Reer Ow Xasan ka hadley Ugaaska Cusub Ugaas Saalax Shiikh Khaliif oo u mahadceliyey in Gacanta ka geystey in loo Caleemno Saaro Ugaaska isagoo balan qaadey in uu qaadan doono wixii dardaaran ah ee ay u soo jeediyeen Ugaasyada , Nabadoonada , Imaamyada, Garaadyada iyo Malaaqyada waxaa kale uu sheegey in ka shaqeyn doono sidii Soomaaliyeed u Mideyn lahaa islamarkaana wuxuu Ilaah ugui baryey Umadda Soomaal;iyeed in uu dhibka ka qaado.

UgaasSaalax ayaa noqonaya Ugaaskii ugu horeeyey ee ay yeelato Beesha Reer Ow Xasan hadii aan dib u qooraansano Ugaas Saalax wuxuu ku dhashey Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool Sannadkii 1960 kii wuxuu waxbarashadiisii ee Quraanka ku soo qaatey degaankaas sidoop kale waxbarashadiisii hoose / Dhexe wuxuu ku soo qaatey Degmada Ceel Barde ka dib wuxuu u soo wareegey Magaalada Muqdishu oo uu ku dhameystey Waxbarashadisii Sare , wuxuu ka mid ahaa Xubnhii Aas-Aasey Aala Shiikh oo uu ka ahaa Xubin firfircoon.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ugaas waxaa lagu Xasuustaa ka qayb qaadashada Dib u heshiisiin uu dhex dhigey qaar ka mid Beelaha soomaaliyeed oo dhexmartey Colaado aad u daran , Wuxuuna Ugaas haatan uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato sidii meel la isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed isagoo ugiu baaqey goobaha ay Colaadaha ka jiraan in ay Colaadaha u badelaan Wadahadal iyo Dib u heshiisiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.