Home » Warar »

Xisbi Cusub o oo uu ka Dhex Muuqdo Farmaajo Lana Magac Baxay Tayo oo Looga Dhawaaqay Dalka Maraykanka.

Gudaha Dalka Maraykanka ayaa looga dhawaaqay Xisbi Cusub oo la magac Baxay Sinaanta iyo Cadaaladda TAYO kaasoo Guddoomiye loogu Doortay Drs Maryan Qaasin, halka Xoghaye Guudna uu ka Yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ahaa Ra’iisul wasaraha dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya.

Drs Maryan Qaasin oo Waraysi gaar ah siisay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay Xisbigan ay dhidibada u taageen.Maryan ayaa sheegtay in Xisbigan uu yahay mid ka shaqeynaya Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya laguna magacabo Xisbiga Nabadda iyo cadaaladda Soomaaliya.

Drs Maryan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in durbaba Taageeradii shacabkii Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay soo gaadhay isla markaana loogu hambalyeeyay Xisbigan Cusub oo ay ku dhawaaqeen.Guddoomiyaha ayaa sheegtay in Dalka gudihiisa iyo Dibaddiisaba si weyn looga soo tahniyadeeyay Hoggaanka Xisbigan Cusub ee la Magac Baxay Tayo.

Maryan Qaasin ayaa sheegtay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu yahay Musharaxooda u taagan tartanka Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo dabayaaqada sanadkan in ay ka dhacdo Gudaha Soomaaliya.Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa hore Xukuumaddii uu hoggaaminayay waxa uu u bixiyay Xukuumadda Tayo taasoo uu ku micneeyay in dawladdiisu ay qaban doonto Shaqo Tayo leh.

Xisbigan ayaa la sheegay in uu ku soo biirayo Axsaab kale oo hore dalka iyo dibaddiisa uga jirtay in kastoo badiyaa Maamulada iyo Axsaabta la sameynayo badankood lagu Unko Dalka Dibaddiisa. Magacaabista Xisbigan Cusub ayaa waxaa uu soo shaac bixinayaa Hanka Farmaajo oo ah sidii uu ugu tartami lahaa Jagada Madaxweynaha Soomaaliya isagoona hore u sheegay in uu haysto taageerada Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba.Xisbigan Cusub ayaan la garanayn waxa uu ku soo kordhin karo Siyaasadda Soomaaliya oo iminka u muuqanaysa mid uu Khilaaf badani hareeyay gaar ahaana BAarlamanka oo u kala qaybsan laba Garab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.