Home » Warar »

Xaflad baraalan lagu soo dhaweynayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan oo xalay lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna soo dhoweynayay Safiirka Cusub Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahi Ugaas ayaa lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacada Ifiriiqiya ee Magaalada Khartuum.

Xafladan lagusoo dhaweynayay Danjiraha cusub ayaa soo qabanqaabiyay Madaxa Xafiiska Hidaha iyo Tacliinta ee Safaarada Soomaalida ee dalka Sudan Mudane.C/qaadir Guulane ayaa kasoo qeygalay Wasiiru dowlaha iskaashiga Caalamiga Dowladda KMG iyo xildhibaano ay kamid yihiin Caano nuug, Howlwadeenada Safaarada,Masuuliyiin kasocota Jaaliyada Soomaaliyeed, Ganacsato, Fanaaniin iyo Ardayda dalkan waxkabarato.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo aagaasimay ayaa waxa ka hadaly mas’uuliyiin aad utira badan waxaana ka mid ahaa Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan Mudane Ibraahiin Guure Maxamed, Madaxa Jaaliyada Soomaliyeed Mudane Adan Cabdi Saneey, Wasiiru Dowlaha Qorsheynta Qaranka ee Dowladda Soomaaliya iyo Masuuliniin kale, waxa ay dhamaantooda Safiirka kula dardaarmeen in uu Ardayda Garab qabto sicadaalad ah wax ukala maamulo.

Sidoo kale Masuuliyiintiii kawada hadashay Munaasabadan quruxbadan waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in soo dhaweynta Safiirka kasoo qeybgalaan, iyagoo danjiraha ka codsaday isbedelo balaaran ku sameeyo howlaha safaarada islamarkaana sare u qaado xiriirka Safaarada muwaadiniinta dalkan ku nool ka dhaxeeyo .

Danjirha oo hadal kooban kajeediyay ayaa u mahadnaqay kasoo qeybgalayaasha xafladan soo dhaweynta, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka quruxdabadan oo loosoo dhaweeyay waxa uu xusay in Safaarada iyo howadeenka ay noqondoonaan ul iyo diirkeed ugu noqon doonaan si ay siwada jir ah wax ugu wadaqaban lahaayeen Muwaadiniinteeda ku sugan dalkan Suudan.

Halkan kadaawo wasawiro dheeri ah

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.