Home » Warar »

Jaamacadda California ee Sen. Diego oo Dhawr iyo labaatan Sanno ka dib ka Sameysey Cilmi Baaris Gobolka Banaadir

Waxaa malmahaan Magaaladda Muqdisho ku sugnaa Laba Xubnood oo ka socda Jaamacadda California ee Sen. Diego oo kala ah Dr Nicholai Lidow oo Bare ka ah Jaamaccada iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira Diyaarinta Dhamaadkii Masters in Education Sen. Diego State University wuxuuna ka mid yahay Xubnhii Aas Aasey Ururka Dhalinyarada SYL ee Sen. Diego waxayna Muqdisho u yimaadeen in Baaritaan ama Research ku sameeyaan arrimo fara badan

Howsha ay u yimaadeen labadaan Xubnod ayaa waxaa kala qayb qaatey Urur lagu magacaabo SUHA Students of University and Higher Institutions Association oo ay ku mideysan yihiin Ardeydii ka qalin jebisey Jaamacadaha iyo Machaahida waxayna Baaritaan ku sameeyaan 16 –ka Degmo ee Gobolka Banaadie waxayna Diirada ku saareen arrimaha Baniaadanimada, Nabadgelyada Dhaqaalaha, ,Waxbarashadda , Biyaha ,Korontada, , Nadaafadda ,Barakacayaasha,Dowlad Wanaaga,waxaana ardeydii loo direy Barnaamijkaan ay Howshaan u fuliyeen sidii loogu talagaley taasoo ay si aad ah ugu farxeen xubnhii ka socdey Jaamacadda California ee Sen Diego.

Xaflad lagu soo gebagabeynayey hawlihii baarintaanka ee 16-ka Degmo ee Gobalka Banaadir ayaa ka dhacday Hotel Ambassador, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Ardaydii ka qaybgashay barnaamijkaasi oo sheegay in baarintaankoodii ay wax badan ka faa’iideen isla markaana waxay u mahadceliyeen Jaamacadda California oo ay sheegeen in ay aad u danayneyso sidii ay soomaaliya ay dhibaatada uga bixi lahayd.maadaama wixii loo direy ay ahaayeen wax ummadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay

Guddoomiyaha Ururka SUHA Cabdulaahi Maxamed Cumar oo ka hadlay kullankaasi ayaa ugu horeyn u mahadceliyey intii u fududeysay in barnaamijkaasi uu sidii loogu talagalay u fulo, gaar ahaan Guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ,sidoo kale wuxuu u mahadceliyey labadii xubnood ee ka socotay Jaamacadda California, waxayna u ballan qaadeen in wixii kale oo ay u baahan yihiin in ay wax kala qaban doonaan.

Barnaamij noocaan oo kale ah Search-ga waxaa Soomaaliya ugu dambeysay 1987, waxaana xafladda Gegagabada ka hadlay Dr. Nicholai Lido oo sheegay in ardaydii ka qayb qaadatay barnaamijkii baaritaanka ee 16ka Gobalka Banaadir uu ku tilmaamay kuwo geesiyaal ah, maadaama intii ay hawshaasi ku jireen ay la kulmeen caqabado dhowr ah, sidoo kale wuxuu u mahadceliyey intii u fududeysay hawshii ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wuxuu mahad gaar ah u jeediyey Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaasha Gobalka Banaadir.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

C/Maalik oo ah ninka Soomaaliga ee la socda Dr Nicholai Lidow oo sanadkii hore Muqdisho u yimid hawlihii loogu gargaarayey dadkii abaaraha ayaa sheegay in barnaamijkaan baaritaanka ah ay u fududeysay imaanshahoodii kal hore ay Muqdisho yimaadeen, isagoo sheegay in Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Muqdisho ay yihiin kuwo ka wanaagsan kuwa Qurbaha ku nool, waayo waxay wax ku bartaan nolol adag halka kuwa qurbaha iyagoo haysta nolol raaxo leh lagu kari waayey in ay wax bartaan, wuxuuna kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda, wuxuu kaloo sheegay in barnaamijka baaritaanka ay ka faa’iideysan karaan dowladaha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo cid kasta oo dooneysa in ay wax u qabato ummadda Soomaaliyeed.

Cabdi Maalik sidoo kale wuxuu sheegay isagoo ku hadlayey magaca Ururka SYL Sen Diego in sababaha ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii ay wax uga bedeli lahaayeen fikirka dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan sidii ay wadankooda ugu jiheyn lahaayeen nabadda iyo horumarka maadaama mudo 20 sano ah ku jireen dagaalo.

Mogadishu Survey‏

The University of California, San Diego, partnered with Students of University and Higher Institutions Association (SUHA) to conduct a large-scale survey of house hold welfare in Mogadishu. The SUHA students successfully traveled to all 16 Districts of Mogadishu, surveying more than 1,000 house holds in 240 locations, to better understand the population’s access to food, services, and security. The survey sheds light on how the city has changed over the last twelve months, and will provide valuable information to NGOs and other organizations seeking to begin projects in the city.

This survey is the first-stage in what will be a long-term, joint endeavor between the University of California and SUHA. The project has also benefited from the participation and leadership of the Somali community in San Diego, especially Abdimalik Bu’ul, Chairman of the Somali Youth League of San Diego. Overseeing the project with Mr. Buul was Postdoctoral Researcher Dr. Nicholai Lidow from UCSD. Dr. Lidow spearheaded this survey which was the first to cover a representative sample of this magnitude since 1987 during the Barre regime.

Dr. Lidow was impressed by the work of the students who carried out the project and their smooth implementation. “I am impressed by the diligence of the SUHA staff and the progress the city of Mogadishu has undertaken in the past few months, I look forward to collaborating on more projects on Somalia in the future”.

This was Mr. Bu’ul’s second trip to Mogadishu in the past six months, and he hopes that the communities in the Diaspora-and especially the students-will continue to increase their engagement and participation in Somalia. “I hope this project will be a catalyst for young students in the Diaspora to bring their education and experience to their homeland, and partner with their local counterparts to work towards a more prosperous future,” Mr. Bu’ul said.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.