Home » Maqaallo »

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo Saaray Nidaam Cusub oo ku Wajahan Heshiisyada Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda

Waxaa maanta Hatelka Saxafi ka dhacay shir ay isagu yimaadeen Masuuliyiinta Xiriirka kubadda Cagta , Guddiga Fulinta Gudoomiyayaasha Kooxaha Heerka Koowaad , Iyo Tababarayaashooda , waxaana Kulankaan looga Hadley sidoo loo furi lahaa Hoyyaalkii Kubadda Cagta ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 iyo Nidaam Cusub oo ku wajahan Heshiisyada lala galayo Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda

Halkan ka daawo sawirada

Kulankaa ayaa si weyn loogu lafa gurey qaabka ugu Haboon ee loo furi karo Horyaalkaas waxaa ugu horeyn halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyed Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe oo ugu horeyn u Mahadceliyey Kooxihii ka qaybgaley Horyaalkii 2011 isagoo sheegey in ay muujiyeen karti iyo Dadaal Dheeraad xili uu sheegey in lagu guda jirey Xaalad Nabagelyo Xumo , sidoo kale wuxuu ugu baaqey Kooxaha haatan ka qaybgalaya Horyaalka 2012 in ay sii laba laabaan Dadaalkooda islmarkaana uu Xiriirku ku Taakuleyn doono wixii karoonkooda ah

Waxaa kaloo ka Hadley Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta Cabdiqani Saciid Carab oo u sheegey Kooxaha ka qaybgalaya Horyaalka 2012 in uu ka duwanaan doono kii hore gaar ahaan wuxuu sheegey Xoghayaha in Xiriirka uu wax weyn ka badeli doono Sharciyada Heshiisyada lagula galo Ciyaartooyda wuxuuna u akhriyey Naadiyada Shuruuc Cusub oo ku saabsan heshiiska Ciyaartooyda maadaama Ciyaartooyda ay ka lumeen Xaquuq fara badan oo uu ku lahaa Naadiga uu markaas u ciyaarayo

Waxaa kaloo uu sheegey Xoghayaha in Heshiiska lala galayo Ciyaartooyada uu noqon doono ugu badnaan Laba sano sidoo kale wuxuu sheegey in Ciyaartooyda uu kooxda kula geli karo Mushaar uu qaadanayo haddii Naadigu uu waayo Mushaarkaas uu Ciyaartooyda u raadiyo Shaqooyin haddii labadaas naadiga laga waayo Xoghayuhu wuxuu sheegey in Ciyaartooyada uusan wax hershiis ah la geli Karin Kooxda islamarkaana uu raadsan karo Naadi kale

Horyaalka oo la filayay in uu bilowdo Sannadkaan Hortaantiisa ayaa dib u dhac ku yimid ka dib markii uu weli dhisme ka socdo Garoonka istadiyo Banaadir waxayna shirkadda Dhiseysa Garoonkas ee Green Field ay sheegtey in muddo yar ay ugu dhiman tahay dhismaha Garoonkaas oo la doonayo in laga dhigi mid Caalami ah Garoonkaan ayaa lagu wadey in uu dhismihisa uu dhamaado Sannadkii 2008 ayaa dib u dhacay ka dib markii ay saameeyeen Dagaaladii ka socdey Magaaladda Muqdisho,waxaana Gudoomiyayaasha Naadiyada loo qaybiyey Sharuucda heshiiska lagula galayo Cayaartooyda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.