Home » Warar »

Warar ku saabsan Tahriibayaal Soomaali ah oo si Xun loola Dhaqmey ka dib markii lagu Gubey Gaarigii ay Saarnaayeen

Wararka naga soo gaaraya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in ay Geeryoodeen Shan iyo Labaatan Tahriibayaal Soomaali ah oo ku soo jeeday Dalka Liibiya.Tahriibayaashan ayaa ka soo gudbayay lama Degaanka u dhaxeeya Dalalka Suuddaan iyo Liibiya kuwaasoo doonayay in si dhuumashaal ah ay ku galaan Dalka Liibiya.

Tahriibayaashan Soomaalida ah ayaa isugu jiray Rag iyo Dumar iyo waliba Caruur kuwaasoo si sharci darra ah uga gudbayay Xadka halkaasoo ay ku heleen Kooxo Arxan Laawayaal ah oo Neceb Shisheeyaha waddankooda soo gaalay.Gaarigan la gubay ayaa la sheegey in uu la socday Laba gaari oo kale oo iyaguna siday Dad Tahriibayaal ah ha yeeshee uu isagu qaldamay Waddo kalena ka baxay taasoo keentay in gacanta ku dhigaan Kooxdan Shisheeye Nacaybka ah.,

Raggan Dhibaatada u gaystay Tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa ka xun ajaaniibta dalkooda jooga kuwaasoo ay ka aaminsan yihiin in ay gacan siinayeen Rajiimkii Mucamaral qadaafi xiligii dalkaas ay ka soconayeen dagaalada ahliga ah.Dadkan Soomaalida ah ayaa la sheegey in ay doonayeen in ay u sii gudbaan dalka liibiya kaddibna uga sii gudbaan dalalka yurub kuwaasoo ku tahariibayay xadka u dhaxeeya labada dal waa suuddaan iyo Liibiyee.

Dhinaca Kale Dooni dhawaan ka ambabaxday dalka Liibiya oo sidday qaxooti isugu jiray Soomaali iyo Eeritireeyaan ayaa waxa ay ku qaliban tahay Badda Muthitireeriyanka gaar ahaana meel aan sidaa uga fogey Jaziiradda Lambadussa.Doonidan oo ahayd Noocya la Aaryeeyo ayaa waxaa la sheegay markii muddo dhowr maalmood ah ay sii socotay in ay Aarya baxday ka gadaalna ay Biyihii soo galeen.Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ku sugnaa meelo ka mid ah baddaas ayaa u soo gurmaday doonidaas taasoo la isku dayay in laga bad baadiyo Baddii ay kula qalibantay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.