Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Xalay Booqday Saldhigyo Ciidan, lana kulmay Ciidankii oo Ruugaya maandooriyaha Qaadka, qaarna hurdaan….

Shiikh Shariif oo lagu Wado in uu Xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ka dib markii Xaley Saqdii Dhexe kormeerey Xarumo Booliis

— Nabadoon Axmed Diiriye oo ka Digey in Xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha

— Ahlu Sunna oo iyana ka Digtey in Xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha

— Qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir oo Xilalkooda laga qaadey

Iyadoo dhowr Habeen ay Magaaladda Muqdisho ka dhaceen Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo weliba dagaalo iyo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho , waxayna dhacadooyinkaan ku soo beegmeen xilli Dowladda Federaalka KMG ay sheegtey in la soo afjarey Dagaalkii Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu xaley Saqdii dhexe Booqdey Xarumo Ciidan oo ku yaal Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG inta uusan Kormeerkaas u bixin waxaa uu la Hadley Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdisamad Shiikh Maxamuud oo uu ku wargeliyey in uu ugu yimaado Agagaarka KM 4 waxaa dhacadey in Wasiirka uu si halhaleel ah uu ugu yimid halkaa waxayna indhahooda qabteen Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga oo qaarkood ay jiifaan qaar kalena ay cunayaan qaad iyadoo gawaaridii Dagaalka ee halkaa yiiley oo aan saarneryn Ciidamo ilaaliya taasoo uu si weyn uga caroodey Madaxweyanaha DFKMG.

Madaxweynaha KMG ayaa kormeerkiisa sii watey waxay tageen isaga iyo Wasiirka arimaha Gudaha Saldhig kale oo isagana ku soo arkeen mid la mid ah kii ay ku soo arkeen ee KM4 waxayna halkaa ugu soo tageen Ciidamo qaar hurdaya qaar kalena ruugaya qaad iyadoo aysan jirin Ciidan ilaalo ah oo ku sugan afaafka hore ee Saldhiga waxaana dhacdey in markiiba kulan ay yeesheen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha Gudaha kulankaas oo si weyn loogu canaantey Wasiirka arrimaha Gudaha iyadoo Madaxweynaha iyo wasiirka ay ku kala tageen si carro leh.

Madaxweynaha KMG oo maanta xilalkooda ka qaadey Taliyayaasha Ciidamada Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir ka dib markii uu xaley Kormeer ku tagey qaar ka mid ah Saldhigyada Gobolka Banaadir uuna ku arkey dayacnaan weyn oo ku aadan markii labadii habeen ee la soo dhaafey ay Madaafiic lagu weerarey Xarunta Madaxtooyada sidoo kale waxaa warar xog ogaal ah laga soo xigtey in Madaxweynaha KMG la filayo in uu xilka ka qaado qaar ka mid Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale madaxweynaha KMG oo la filayo uu ka jawaabo Arimaha amaandari ee maalmahaan ku soo kordhey Magalaada Muqdiho ayaa warar aan ka helney Xarunta Madaxtooyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha laga filayo in uu xilka ka qaado Wasiirka arrimaha Gudaha iyadoo sidoo kale Madaxda Sare ee Dowlada uu Cadaadis kaga imaanyo Ciidamada Amisom oo iyana la sheegey in ay layaab ku noqotey Madaafiicdii lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada kuwaas oo laga soo ridey Gudaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG uga digey in uu xilka ka qaado Wasiirka arrimha Gudaha waayo ayuu yiri Axmed Diiriye “ Wasiirka waxaa uu jagadaas ku hayaa qaabka 4.5 marka Madaxweynha waxaa uga digeynaa in uu arrinkaas ku deg dego” sidoo kale Ururka Ahlu Suna ayaa ka digey in Xilka laga qaado Wasiirka arrimaha Gudaha maadaama uu xilkaas uu ugu fadhiyo Ahlu Suna marka waxaa mar kale madaxweynha uga digeynaa in uu xilka ka qaado wasiirka arrimaha Gudaha.

Xaaladda Amaan ee Magaaladda Muqdisho ayaa maalmahaan ka sii dareysaa ka dib markii magaaladda ku soo bateen Dagaalo , Qaraxyo , Dilal waxaana Dadka ku nool Magaalada Muqdisho Saaka ku soo Waaberiisteen qarax ka dhacay Wadada Maka Almukarama kaasoo wayeelo ka soo gaartey laba qof sidoo kale waxaa gaari Walxa Qaraxa laga soo buuxuyey iyana la soo dhigey Agagaarka KM4 Waxaa, sidoo kale Dadka muqdisho aad ugu dhiban yihiin dhaca iyo dilalka ay geysanayaan Ciidamo ku lebisan Direyska Ciidamada DKMG waxaana maalintii shaley ahayd Degmada Xamar weyne lagu diley laba Askari oo la sheegey in ay dhacayaan dadka halkaa ku nool.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.