Home » Warar »

Shiikh Shariif oo Weli ku Adkeysanya una Suxul Duubaya Sidii Soomaaliya looga Qaadi lahaa Cuna qabateynta Hubka.

Madaxweyna Dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya oo ka qayb galayay Munaasibad Tababar loogu soo gaba gabeynayay Boqolaal Askeri oo ka tirsan Ciidamada Dawladda KMG ayaa sheegey in ay xukuumaddiisu waddo sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd Ciidan Qaran. Waxana uu sheegey in Dalna uusan Ciidan la’aan dhisnaan karin isla markaana Ciidamada Soomaaliya laga sugayo in marka AMISOM Ciidamadeedu ay ka baxaan Soomaaliya in la helo Ciidamo Soomaali ah oo awood u yeelan kara in ay hantaan Sugidda ammaanka guud ee Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa is bar bar dhigay Ciidanka Shalay iyo Maanta isagoona sheegey in Ciidanku uu soo maray Marxalad ay ka mid ahayd Xabadda Shabaab ay soo Ridaan in ay soo gaarto Ciidanka maantana Rajadii uu weligii ka qabay in Maalin maalaha ka mid ah uu Ciidanku gaari doono isku fillaasho taasoo uu sheegey in iminka yiddidiiladeedu ay muuqato dhawaana ay dhaboobi doonto Niyad ahaan iyo Taya ahaanba in ay Xoreeyaan Dalka oo dhan waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha DKMG Shariif ayaa sheegey in Beesha Caalamka ay weydiisanayaan sidii Cuna qabataynta dhinaca Hubka ah looga qaadi Soomaaliya isagoona sheegey inuusan Ciidan jiri karin haddii uusan lahayn Hub uu dalkiisa ku Difaaco sidaa darteedna aysan xukuumaddiisu ka daaleyn ololeynta ay ugu jirto sidii loo qaadi lahaa Cuna qabatayntaas dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa soo hadal qaaday Dagaalada Ciidamada Dawladda KMG iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan Xarakada Shabaab wuxuuna ku bogaadiyay Guulihii ay ka gaareen Ciidamadaas wada jira Dagaalada kala dhaxeeya Ciidamada xarakada Shabaab.

Wararka Shiikh Shariif ayaa ku soo beegmey Xilli ay dib u soo laabtey Madaafiicdii lagu qaraacayey Xarunta Madaxtooyada taasoo welwel ku abuurtey dadkii ka ag dhawaa Xarunta Madaxtooyada, waxa dadka qaar ay leeyhiin in Magaalada ay haatan u muuqato mid Maalinkii ay maamulaan Dowladda Federaalka iyo mid ay maamulaan habeenkii Xarakadda Alshabaab.

Hadalkan Madaxweynaha KMG ayaa imaanaya xilli uu weli jiro qaladaad fara badan oo ciidanka gudihiisa ah iyo dhibaato dhaqaale la’aaneed oo ay ka cabanayaan Ciidamada AMISOM oo sheegey in muddooyinkii u danbeeyay ayan helin Gunnooyinkii ay qaadan jireen taasoo keeni karaysa in su’aal la iska weeydiiyo Rajada Xukuumadda Shariif iyo sida ay meel mar u noqon karato haddiiba ay jiraan dhibaatooyin Ciidanka gudihiisa ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.