Home » Warar »

Warbixin ku saabsan Dagaal Faraha looga gubtey oo Socdey Muddo Dhowr Saacadood oo ka dhacay Magaaladda DhuusoMareeb ee Galgaduud

Waxaa saakay (Talaada Maarso 20, 2012) salaadda subax intaan la tukan dagaal culus Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galguduud ku soo qaaday ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo mudooyinkaanba ku suganaa meel aan sidaasi uga dheereyn Dhuusamareeb, waxaana ciidamada Xarakada Alshabaab u suuragashay in ay markii hore la wareegaan Magaalada Dhuusamareeb markii ay la kulmeen iska cabin aan sidaasi u buurneyn oo ay kala kulmeen Ciidamada Ahlu sunna Waljameeca.

Afartii subaxnimo ee saakay ayaa ciidamo AhluSunna oo gurmad ah oo ka yimid Magaalada Guriceel iyo deegaano kale waxay weerar ku soo qaadeen Dhuusamareeb, hase yeeshee ciidankaasi gurmadka ah waxaa deeganka Ceeldheere ee ku dhow Dhuusamareeb uga hor tagay ciidamo ka tirsan Xarkaada Alshabaab, wuxuuna dagaalkaasi socday mudo saacado ah, waxaana la sheegay in ay dagaalkaasi ay ku dileen dhowr Askari oo ka tirsan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaalkaas ayaa markii dambe ku soo faafay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka dhacay halkaasi dagaal aan waxba layskula harin, iyadoo dadweynihii ku noolaa magaaladaasi la sheegay in uu dagaalkasi u gaystay khasaaro naf iyo maalba isugu jira, waxayna Dadweynaha ku baraarugeen iyadoo Ciidamada Xarakadda Alshabaab oo dhex taagan Magaalada Gudaheed taasoo keentey in dadkii rayidka ahaa ay ka baxsan waayaan Rasaasta la is weydaarsanyo

Labada dhinac ayaa dagaalkaasi ka kala sheegtay guulo, iyadoo Afhayeen u hadlay Alshabaab uu sheegay in saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Afar kuwa raaxada ah ay ku qabsadeen dagaalkii saakay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale wuxuu sheegay in halkaasi ku dileen ciidmaado ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Ahlusunna waljamaaca ayaa sheegay in ay dib ula soo wareegeen gawaaridii horey looga qabsaday wuxuuna intaa ku daray in Nabadoon caan ah ay Xarkaada Alshabaab ka wateen Dhuusamareeb, hase dadka deegaanka waxay tilmaameen in dagaalkii saakay uu ahaa mid aan horey noociisa oo kale uga dhicin Dhuusamareeb, waxayna dadku weli ka walwal qabaan dagaaada ku soo noqnoqdey Magaalada Dhuuso mareeb iyagoo sheegay in dagaaladaani ay burbur xoog leh u sii geysanayan magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa jira warar ka soo baxaya dagaalkaas oo sheegaya in AhluSunna dib ula wareegeen Dhuusamareeb.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.