Home » Warar »

Xarunta Dalladda SOSCENSA ee Magaalada Muqdisho oo ka furmey Siminaar ku saabsan Doorka Haweenka ku leeyihiin Bulshada

Xarunta SOSCENSA ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furtay maanta oo Isniin ah tababar socon doona muddo saddex maalmood ah kaasoo ay ka qaybgalayaan xubno ka kala yimid gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.Siminnaarkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu baranayaa arrimo la xiriira haweenka, waxaana furay tababarkan xoghayaha guud ee SOSCENSA, C/qaadir Sheekh Cali Colow oo sheegay in sababaha loo qabtay siminnaarka ay tahay in bulshada Soomaaliyeed la fahamsiiyo doorka haweenka ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in siminnaarkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ay qabato hay’adda, kanna uu ka mid yahay siminnaaradii ay hay’addu horay u qaban jirtay, hase yeesheen uu kaga duwan yahay iyadoo xoogga la saari doono waxa la yiraahdo Gender si ummadda Soomaaliyeed loo fahamsiiyo eraygaas.

Waxaa kaloo ka hadlay furitaanka tababarka agaasimaha hay’adda SOSCENSA, Xasan Axmed Sadiiq oo sheegay in Doorkii Haweenka Soomaaliyeed uusan weli muuqan, balse haatan loo baahan yahay in dardar la geliyo howlaha la xiriira dhinaca haweenka, maadaama ay dulmi fara badan ay soo mareen.

Halkan kadaawo maswiro dheeri ah

Siminnaarkan ayaa waxaa casharro ka bixinaya, Fowziyo Muuse oo ka socotay ururka Midowga Yurub xafiiskiisa Soomaaliya, waxayna sheegtay inay diiradda saarayso arrimaha haweenka, maadaama haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ay dhibaato ka haysato dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.Mr.Fowziyo ayaa ugu baaqday ka qaybgalayaasha inay iyaguna fikradahooda ka dhiibtaan caqabada hortaagan haweenka ee la xiriira arrimaha kor lagu soo xusay. Iyadoo siminnaarkan ay si wadajir ah u maalgeliyeen hay’adda UKAID iyo Midowga Yurub.

W/D Amiin Yuiusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.