Home » Warar »

Warsaxaafadeed DFKMG: Madaxda Dowladda oo galabta ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Tiyaatarkii Qaranka

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Ruwaayad taasoo lagu qabtay Tiyaatarkii Qaranka (Golaha Murtida iyo Madadaalada), kaasoo burbursanaa muddo 21 sano ah.

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo hay’addaha cilmi baarista iyo Wadatashiga ee CRD, waxaana halkaasi laga soo jeediyay ruwaayado, heeso iyo gabayo ay si weyn ugu riyaaqeen daawadayaasha iyo madaxdaba, waxaana goobta joogay hobolo, Abwaano iyo Fanaaniin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa xusay inay farxad weyn u tahay inuu ka soo qeybgalo ruwaayad lagu qabanayo Tiyaatarka Qaranka wuxuuna xusay in beri samaadkii uu Tiyaatarka iman jiray balse muuqaalka maanta ka muuqda iyo muuqaalkiisii hore ay kala duwan yihiin “Runtii anigu waxaan ahay qof fanka jecel, waana xasuustaa berisamaadkii halkan waan iman jiray, balse aadbaan u qiirooday maanta markii aan arkay muuqaalka ka muuqda iyo burburka, insha allah waxaan rajeynayaa in muuqaalkiisi hore iyo si ka wanaagsan uu yeelan doono” ayuu yiri R/wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta iyo caawiyeyaasheeda ku garab istaagay sidii dib boorka looga jafi lahaa Tiyaatarka Qaranka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedelka amni uu keenay in galabta ruwaayad lagu dhigo Tiyaatarka Qaranka ayna ka soo qeybgalaan mas’uuliyiinta dowladda iyo dadweyne fara badan wuxuuna ka mahadceliyay dedaalka loo galay in 21 sano kadib lagu qabto Barnaamijyo Tiyaatarka.

Ugu dambeyntiina madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo hay’addaha CRD ay ku tabarucayaan dhaqaale dib loogu dhiso Tiyaatarka si bulshada loogu wacyigeliyo “Fanka Soomaaliyeed waa qadiimi sababtoo ah, waxaa jirta in todobo boqol oo sano ka hor boqoradii Masar ee dalka Soomaaliya booqashada ku timid ay soo bandhigeen Abwaanada iyo qorayaasha, waana facweyn yahay Fanku” ayuu yiri Madaxweynaha oo bogaadiyay Abwaanada iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed.

—-Dhamaad—-


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.