Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxaya Tiro Madaafiic oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac gaystay oo lagu Bar Tilmaameedsaday Villa Soomaaliya

Saqdii dhexe ee Xalay ayaa waxaa la maqlayay Deryanka Madaafiic ku soo dhacaysa Eeryada Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.Illaa Shan Madfac oo Madaafiicdaas la soo tuurayay ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen Xero Dad Bara kacayaal ah ay degganaayeen ku dhow Nawaaxiga halka Bar Tilmaameedku ahaa.Inta la xaqiijiyay Madaafiicdaas waxaa ku dhimatay illaa Shan qof oo isku qoys ah halka tiro intaa la mid ahina ay ku dhaawacmeen.Qoys ka koobnaa Odey Hooyada Qoyska iyo Afar Caruur ah oo ay dhaleen oo ku jiray Xiligaas Hurddo ayuu Madaafiicdaasi mid ka mid ah ku habsaday aqalkoodii halkaasoo uu ka fakaday hal cunug oo keliya halka qoyska intiisii kale ay halkaa ku dhamaadeen.

Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in hareeraha madaxtooyada Madfac ku dhacay isaguna uu gaystey Khasaare dhaawaca shan Ruux oo rayid ah oo iyaguna degganaa meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Dadkii ku noolaa Xeryaha bara kacayasha ee Degmada Wardhiigleey ayaa goor sii horreysey ee saaka isku soo baxay iyagoona ka naxsanaa dhibaatada ku dhacday xalay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha.

Dadka ayaa arrintaa walaac badan ka muujinayay iyagoona sheegayay in haddii arrintanu ay soo noq noqoto in ay halis ugu jiraan in mar kale ay sii barakacaan.hase yeeshee Afhayeen u hadaley Xarakadda Alshabaab ayaa sheegey in Madaafiicdii xaley ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada ay ku dileen ilaa shan askari oo ka tirsan kuwa Amisom sidoo kale waxaa ku dhaawacmey ilaa lix Askari sidoo kale wxuu sheegey afhayeen in Madaafiicdii ay xaley ku garaaceen Villa Soomaaliya ay tahay in Xarakadda Alshabaab ay weli ku sugan yihiin Magaaladda Muqdisho

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa sheegey in Madaafiicdii xaley ku dhacdey Xarunta Madaxtooyada ay ka dameeyaan Ciidamada Xarakada Alshaab ee isku soo dhiiba Dowladda Federaalka sidoo kale wuxuu sheegey in Ragaas ay si toos ah iyo si dadban ay ula shaqeeyaan Xarakadda Alshabaab isagoo sheegey in weeraro kale ay geysan karaan Xubnahaasi haddii aan laga hortagin , waana markii labaad oo weerar dhinaca Madaafiicda ay ku dhacaan Xarunta Madaxtooyada tan iyo markii ay Ciidamada Xarakada Alshabaab ka bexeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuiusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.