Home » Warar »

Xildhibaan Caano nuug oo Xaaladiisa Caafimaad soo Wanaagsanaatay.

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana nuug) oo aan ku booqday hoyga lagu baxnaaninayay ee ku yaala Magalaad Khartoum ayaa aad u wanaagsaneed xaaladiisa caafimaad ka dib markii in muddo ah uu saarnaa sariiir.

Xildhibaanka oo kusoo dhaawacmay qarax gaarigiisa lala beegsaday xili uu marayay wado ku taala meel u dhow hoygiisi Magaalada Muqdisho ayaa ku waayay mid ka mid ah labadiisa lugood halka mida kalena ay ciribta ka go’day.

Xildhibaan Caano Nuug ayaa ugu horeen iiga warbixiyay xaaladisa caafimaad xili loo soo galiyay caagadaha sida lugta oo kale loo soo sameeyay “Caafimaadkeyga waa fiican yahay waad ii jeedaa inaan lugteyda ku taaganahay, waxba iga haleysneen alxamdulilaah “ ayuu yiri.

Caano Nuug ayaa u mahadceliyay Dowladda Suudaan iyo Shacabkeeda “ waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Dowladda Suudaan iyo Shacabka suudan sida ay iisoo dhaweeyeen oo ila tacaamuleen niyad wanaaga iyo walaalnimada waxaan hilmaami kara maha, umada soomaaliyeedna waxay u tahay sharaf, anigana ma hilmaami doona” ayuu yiri xildhibaanka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dhanka ka xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan Dowladda ayna ka qayb qaataan howlaha dib u dhiska wadanka ka socda iyo amaanka intaba.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ugu tacsiyadeeyay qaraxii maalintii doraad ahayd ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah Ciidanka Dowladda iyo shacabka halkaasi ku sugnaa.

Xildhibaan Caana nuug oo oo dhowr bilood ka hor ku dhaawacmay qarax ayaa hada waxa ay u muuqataa in uusan u joojinayn howlahii uu Bulshada Soomaaliyeed u haayay qaraxyo lal beegsado oo sidan oo kale ah.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.