Home » Warar »

Xaflad Balaaran oo lagu Furayey Radio Mustaqbal oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Waxaa Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey islamrkaana Daaha looga rogayey Radio Cusub oo la magac baxay Radio Mustaqbal , waxaana Xafladii lagu furayey ka qaybgaley Xubno ka socdey Baarlamaanka Federaalka , Xukuumada , Haween , Aqoonyahano , Odoyaal, Bahda Isboortiga iyo Qaybaha kala duwan ee Warfaafinta

Ugu Horeyn waxa halkaa ka hadley Agaasimha Idaacada Mustaqbal, Aweys Xaaji Nuur oo si weyn ugu dheeraadey Ujeedooyinka loo furey Idaacada iyo Mustaqbalka waxa ay tiigsan doonto isagoo sheegey in Idaacadda ay ka duwanaan doonto Idaacadaha kaleiasagoo sheegey in ay xooga saari doonaan arrimaha Horumarka Dalka islmarkaana idaacadu noqon doonto Macalinka Bulshada , sidoo kale wxuu sheegey Agaasimaha in Daacadda Mastaqblka dhow ay ku soo biiriin doonto Warbaahinada kale ee hadda ka maqan maadaamada ay tahay Shirkad dooneysa in ay daboosho baahida kala duwan qaybaha Warbaahinta

Intii ay socotey Xafladaas lagu furayey Radio Mastaqbal waxaa kaloo ka Hadley Xildhibaan Cabduqaadir Geedi oo ugu horey u Mahadaceliyey Intii gacanta ka geysatey Furutaanka Idaacada Mustqabal isagoo kula dardaarmey Masuuliyiinta Idaacada in ay xooga saaraan waxyaabaha ay bulshada aad ugu baahan tahay sida waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha,Xoolha,Kaluumeysiga iyo adeegyada kale ee Bulsdhada maadaama Bulshada Soomaaliyeed ay dhagahooda ku bateen warar ku saabsan Dagaalo iyo Colaadu

Sidoo kale waxaa Xafladaas ka Hadley Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dowladii TFG Muxyadiin Maxamed Xaaji oo sheegey in dadka Soomaaliyeed ay waligood ahaayeen dad jecel Dagaaalada marka taas ayaa keentey in si aad ah loo dhageysto wararka Dagaalada iyo Colaadaha marka waxaa arrinkaa looga gudbi karaa iyadoo Warbaahinta ay ku bataan wararka ku aadan horumarka wadanka marka waxaa u rajeynayaa in Idaacadda Mustaqbal ay horseed u noqto wararka ka hadlaya dib u dhiska wadanka iyo dib u heshiisinta

Wxaa kaloo ka Hadley Gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Cassho Geysdiir oo sheegtey in Haweenka Soomaaliyeed ay si aad ah u soo dhaweynayaan Furitaanka Idaacada Mustaqbal iyadoo ugu baaqdey Masuuliyiinta Warbaahinta Mastaqbal in ay Xooga saaraan waxyaabha Bulshda Soomaaliyeed ay dhaqanka u leeyhiin maadaama uu meesha ka baxyaan dhaqankaas wanaagsan , sidoo kale waxay ugu baaqdey in Idaacadu ay noqoto Idaacad Madaxbanan oo u adeegta Bulshada Soomaaliyeed islamArkaan waxay soo jeedisey in aysan raacin qaabka qaar ka mid ah Idaacada kale ay ku shaqeeyaan ee Buunbuunita Colaadaha

Xafladaas lagu furayey Radio Mustaqbal waxaa kaloo Hadley Ugaas Cabdulaahi Ugaas Aadan oo ku hadlkayey Magaca Odoyaasha dhaqanka wuxuuna u mahadceliyey intii dhidibada u taagtey Idaacada wuxuuna sheegey shacabka soomaaliyeed ay ka lumeen Akhaaqdii dhaqanka Soomaaliyeed wuxuuna u soo jeediyey Idaacada Mustaqbal in ay dib u soo nooleyso dhaqankii suubanaa ee ay bulshada Soomaaliyeed ay lahaan jirtey kaasoo uu sheegey in uu ahaa mid ay ku faani jireen wuxuuna Ugaas u duceeyey Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed gaar haan Howlwadeenada Idaacada Musqabl in ay noqdaan kuwa ku hogaamiya ummadda Soomaaliyeed wadada Toosaan iyo ka shaqeynta dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyed.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa kaloo Hadley Ambaasadoor Maxamuud Tarey oo hore uga soo sheqeyn jirey Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa isna u mahadceliyey Xubnhii ka dambeeyey Furitaanka Idaacada wuxuuna u soo jeediyey masuulinttinta iyo Howlwadeenada Idaacadda in ay ku shaqeeyaan si daacad ah islamrkaana iska ilaaliyaan in ay ku xadgudbaan Sharuucda u taal Saxaafada sidoo kale wuxuu sheegey in Idaacadaha Xiligaan jira ay qayb ka yihiin Dhibaatada shacabka Soomaaliyeed haysta marka waxaa loo baahan yahay in Idaacadu ka shaqeyso Dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

Proff Maxamed Cali Caddow oo ku hadlyey Magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed aya aisna kula dardaarmey Howlawadeenada Idaacada in ay xooga saaraan Ciyaaraha Gudaha oo ayan ku dayan Idaacadaha kale ee iyagu buun buuniya Ciyaaraha dibadda isagoo sheegey in Guddiga Olombikda Soomaaliyeed iyo Xiriirada hoos yimaada in ay la shaqeyn doonaan Idaacadda Mataqbal

Waxaa kaloo ka Hadley Cabdirashiid Cabulle Abiikar oo ku mid ah Masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj oo sheegey in ururka Nusoj uu si aad ugu faraxsan yahay ku soo biiritaanka Idaacada Musqabal Warbaahinta Soomaaliyeed isagoo sheegey in Ururka Nusoj uu la shaqeyn doono dhamaan Howlawadeenadda Radio Mustaqbal

Gabagbadii waxaa ka Hadley Madaxa Tababarada iyo Horumainta ee Shirkadda Warbaahinta ee Mastaqabal Cabduqaadir Jiirow Sharmaarke oo sheegey in Inta aan Idaacada la furin ay tababar u qabtey Wariyayaashii ay qaadan lahayd isagoo sheegey in tababarka noocaan ah uu ku cusub wadanka waayo hore uma dhicin in tababar loo furo Shaqaahhii ay idaacad qaadan lahayd isagoo sheegey in ujeeda loo qabtey tababrkaas ay tahay in kor loo qaado aqoonta Suxufiyiinta soomaaliyeed sidoo kale wxuu sheegey in Idaacada Mastqbalka ay ku soo biirin doonto qaybbaha kale ee Warbaahinta ee hadda ka maqan waxaana Xafladaas intii ay soctey Dadkii ka qaybgaley Maaweelinayey Fanaaniinta Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinKhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.