Home » Warar »

Wasiir ku xigeenka South Africa iyo Jaaliyada dalkasi oo kulmay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada South africa iyo jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa kulan muhiim ku qaatay City Lorge ee magaalada Cape Town iyagoo kala hadlay wasiirka arimo dhowr ah isla markaana ay talooyin dhaxal gal ah ay u gudbiyeen wasaarada arimahada dibada South Africa.

Wasiirka ku xigeenka wasaarada arimaha dibada South africa ayaa soo hadal qaaday xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo South Africa isagoo sheegay in ay ka go,an tahay dowladooda garab istaaga walaalaha Soomaalida oo uu sheegay in muddo ah in ay ku jireen dagaalo iyo qalalaase siyaasadeed.

Kulankani ayaa diirada lagu saaray dhibaatada lagu haayo Soomaalida dalkani iyadoo wasiirka la gudoon siiyay qoraalo muujinaya tacadiyada loo geysto Soomaalida South Africa sidoo kale wasiirka ayaa la gudoon siiyay qoraalo talooyin dhaxal gal ah oo muujinaya aragtida Soomaalida South africa.

Xiriirka arimaha Soomaalida iyo South Africa Mahad Cumar Cabdi (Mahad Libaax) ahaana qaban qaabiyaha kulankani ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xiriirka labada dowladood isla markaana talaabo muhiim ah ku tilmaamay arintani iyo sida ay fursad weyn ugu tahay Soomaalida South Africa.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Mahad Cumar Cabdi oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaalida ee dalkani kana mid ah musharaxiinta Safiirnimada Somalida South Africa ayaa warka intaasi ku daray in dowlada South Africa ay horey usoo dhaweysay Soomaalida isagoo ugu danbeyn u mahad celiyay wasiirka.

Kulankani ayaa goob joog ahayeen bulshada qeybaheeda kala duwan iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loogu dhaqan gelin lahaa xiriirkani cusub ee labada dowladood iyadoo jaaliyada ay muujisay taageero buuxa.

Maxamed Deeq Muse (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.