Home » Warar »

Gudoomiyaha Qalinleyda Adduunka Mr. John Ralston Saul Oo Dalka Jabuuti Kulan Balaaran Kula Qaatey Xog-hayaga Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha Urur weynaha caalamka ee PEN International Mr. John Ralston Saul oo booqasho afar maalmood qaadaneysa ku jooga dalka jabuuti ayaa kulan balaaran kula qaatey xarunta urur goboleedka IGAD ee caasimada dalka Jabuuti 11/03/2012, Xog-hayaga guud ee wasaaradda warfaafinta dalka jabuuti Md. Maxamed Ibraahim Axamed, Gudoomiyaha Ururka Somali PEN Md. Aadan Xasan Aadan, Gudoomiye Sharafeedka Somali PEN, islamarkaana ah Aas aasihii ururkaas Prof. Maxamed Daahir Afrax, Gudoomiyaha Cafar PEN Marwo Caasho Maxamed Rooble, qorayaal, abwaano iyo marti sharaf kale.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, islamarkaana isugu jirey soodhaweyn iyo xog waran ayaa waxaa ka Hadley Xog-hayaga guud ee wasaaradda warfaafinta dalka jabuuti Md. Maxamed Ibraahim Axamed, Gudoomiyaha Ururka Somali PEN Md. Aadan Xasan Aadan, Gudoomiyaha Cafar PEN Marwo Caasho Maxamed Rooble, Gudoomiye Sharafeedka Somali PEN Prof. Maxamed Daahir Afrax iyo Gudoomiyaha PEN International Mr. John Ralston Saul.

Mas’uuliyiinta Somali PEN iyo Cafar PEN waxay khudbadahooda ku xuseen sababihii ku dhaliyey aasaaska ururadooda, wax-qabadka mudadii ay jireen iyo laamaha kala duwan ee ay ku leeyihiin wadamadda gobolka.

Gudoomiyaha PEN International Mr. John Ralston Saul oo khudbad ku baxaysay Ingiriis iyo Faransiis isku dhex jira ka jeediyey halkaasi, ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda PEN International, dilalka loo geysto qorayaasha aduunka iyo sida uu u ilaaliyo xuquuqda dadka wax qora ee Caalamka.

Xog-hayaha guud ee wasaaradda warfaafinta dalka jabuuti Md. Maxamed Ibraahim Axamed oo gunaanadkii halkaasi ka Hadley ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “dowladda Jauuti iyo Madaxweynaheeduba, waxay dhiiri gelinayaan qoraalka, waxay dad badan ka caawisey sidii ay Buuggaagtooda u soo saari lahaayeen, wasaaraddu waxay labada Urur ku caawisey qalab badan oo ay baahi weyn u qabeen, waxayna hiil iyo hoo la garabtaagan tahay labada Urur ee Somali PEN iyo Cafar PEN awoodeed”.

Halkan koose kadaawo Prof:Afrax

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.