Home » Warar »

Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Afaafka Hore Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaaliya

Waxaa Afaafka Hore ee Xarunta loogga arrimiyo Dowladda Federaalka ee Villa Soomaaliya ka dhacay Qarax ismiidaamin oo la sheegey in uu fuliyey nin ku labisnaa Direyska Ciidamada oo aan la garaneyn halka uu ka soo galey afaafka hoore Xarunta Madaxtooyada iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in goobta uu Qaraxa uu ka dhacay ay ahayd goob Maqaayad ah oo la sheegey in ay u dhow yihiin Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka sidoo waxaa u dhow Xafiisyo ay leeyihiin qaar ka mid Wasaaradaha Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Qaraxaas ismiidaaminta ay ku dhinteen dad k dhow 8 Ruux oo la sheegey in ay ku jiraan Ciidamo iyo dad rayid ah iyadoo sidoo kale la sheegey I dhawaaca uu gaarayo ilaa 20 qofood oo alagu waramey in ay ahaayeen dadkii ku sugnaa goobta Maqaayada waxaana weli socda Gurmadkii loo sameynayey dadkii halkaa wax ku noqdey.

Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waa isku Gadaamay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom kuwaas oo halkaa ka wada baaritaano la xirira sida ay Xarunta Mdaxatooyada uu u soo dhaafey Ruuxii fulinayey Ismiidaaminta iyadoo la ogyahy in Xarunta Madaxtooyada ay tahay xarun si aad ah loo ilaaliyo weliba ay ilaaliyaan Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom , wuxuuna qaraxaani ku soo beegmey Xili u dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo haatan ku sugan Magaalada Adis-Ababa .

Waa markii ugu horeysey oo Qarax ismiidaamin uu ka dhaco meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada inkastoo ay jiran qaraxyo kale hadana midkaan ismiidaaminta ah ayaa lagu tilmaami karaa kii ugu horeyey oo noociisa oo kale ah oo ka dhaca Xarunta Madaxtooyada iyadoo kal hore wiil dhalinyaro ah oo doonayey in isku qaraxyo Xarunta Madaxtooyada ay ka hortageen Ciidamaa Ilaalada kaasoo markii dambe lagu diley afaafaka hore ee Madaxtooyada.

Xarakadda Alshabaab ayaa durbaba sheegatey in ay ka dambeysey Qaraxaasi ismiidaaminta ah ee ka dhacay xarunta Madxtooyada iyagoo sheegey in ay ku dileen Askar fara badan iyo saraakili ka tirsan Dowlada Federaalka waxay kaloo ay sheegeen in ay sii wadayaan Qaraxyada noocaan ah ee lagu Bartilmaameedsanyo Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Amisom iyadoo qaraxaan sidoo kale uu ku soo beegmey Xilli ay sii korhayaan Dilalka iyo qaraxyada ee Magaaladda Muqidisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaroahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.