Home » Warar »

Shirkii 12-aad ee Guddiga Wadajirka Amniga oo Muqdisho lagu soo gunaanaday

Waxaa maanta maalintii labaad socday oo la soo gunaanaday Shirkii 12-aad ee Guddiga Wadajirka Amniga oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan oo ay wada shir-guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. Mahiga iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Africa Aboubacar Diara.

Shirka maanta ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka kala socday Galmudug iyo Ahlu Sunna. Sidoo kale waxaa goob joog ah beesha caalamka oo ka kala socday waddamada UK, US, EU, Sweden, Norway, Japan, Italy, Germany, France, Midowga Afrika iyo AMISOM.

Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa arrimaha amniga, isla markaana ciidamada Soomaaliya loogu heli lahaa tasiilaadkii ay u baahnaayeen. Shirka waxaa laga xusay go’aankii Qaramada Midoobey Golahiisa Ammaanka ee 22-kii Febraayo ee tirsigiisu ahaaa 2036 oo lagu xoojiyey howlgalka AMISOM isla markaana loogu oggolaaday inay isticmaali karaan diyaaradaha dagaalka si looga sifeeyo Al-Shabaab dalka. Sidoo kale waxaa laga xusay shirka in AMISOM ay dhowaan tagi doonaan gobolada dalka sida Baydhabo iyo Beledweyn si ay u bedelaan ciidamda Ethiopia.

Waxaa kaloo la sheegay in ciidamo ka socday Seraleone ay iyagana bisha June imaan doonaan Jubbooyinka iyaga oo ku biiri doona howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunnah Waljamaaca Prof. Xirsi ayaa sheegay in ciidamda Ahlu Sunna ay diyaar u yihiin inay ku biiraan ciidanka dowladda lana Qarameeyo.

Ugu danbeyntii waxaa hoosta laga xariiqay in horumarka baaxadda leh ee amniga loo baahanyahay in la sii wado si waddanka oo dhan loo xasiliyo oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeegyadii bulsho ee loo baahnaa.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Mar laga hadlayay dalalka taageera ciidamada dhanacyada Mushaarka, Caafimaadka, Raashinka iyo Shidaalka ayaa waxaa halkaasi ka hadashay haweeneyda ka wakiilka ah dowladda Mareykanka waxayna hoosta ka xariiqday in dowlada iyo shacabka Mareykanku ay la garab taagan yihiin ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed sidii ay u dhismi lahaayeen si ay ula wareegaan ammaanka dalka, waxayna hoosta ka xariiqday in taageeradoodu aaney joogsan doonin. Sidoo kale, dowladda Talyaaniga safiirkeeda Muqdisho ayaa isna hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay kordhin doonto taageerada ay siiso ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed si meesha looga saaro kooxaha Al qaacida ee Soomaaliya jooga.

Shirka Guddiga Wadajirka Amniga ayaa ah midkii 12-aad oo bilahan lagu qabto Muqdisho maadaama Amniga magaalada Muqdishu uu aad u soo hagaagayo.

—-Dhamaad—-


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.