Home » Warar »

Qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo si weyn uga Hadley Falkii Foosha Xumaa ee ka Dhacay Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho ee lagula kacay Kutubka Qur’aanka Kariimka ah.

Waxaa maalmihii la soo dhaafey Dadka ku nool Magaaladda Muqdisho ay hadal hayeen dhacdo la yaab leh oo ah markii Masaajido ku yaal Degmada Madiina Xadgudub loogu geystey Kutaabka Quraanka Kariimka ka dib markii Xaashiyo ka mid ah kutubka inta la jeex jeexey laguna tuurey Musqulkaha Masaajida , waxaana dhacdadaan ugubka ku ah Soomaliya si aad ah uga Hadley shacabka soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho

Nuur Xasan Muuse oo ka mid ah waxgaradka Magaalada Muqdisho oo ka hadlayey Xadgudubkaas loo geystey Kutubka Quraanka Kariim wuxuuna yiri ‘Waa dhacdo aan si aad ah ula yaabey waayo waa markii ugu horeysey Xadgudub loo geysto kutubka Quraanka Kariima marka aniga waxaan dhihi lahaa waxaa ka dambeeyey Shirkado Shisheeye oo adeegsanayo dad soomaali ah waayo maxaa xiligaan ku soo ku soo beegey in loo gefo kutubka Quraanka Kariimka iyadoo la og yahay Xadgudubyada kale ee loo geysanayo Kitaabka Munasalka ee ka dhacay Wadamo kale marka waxaa xaqiiqo ah in ay ka dambeeyaan Shirkadahaas iyo Ciidamada Shisheeye oo ka cabir qaadanaya Xadgudubyada kale ee loo geysanyo Kitaabka Quraanka “ wuxuu sii raaciyey

“Labatankii sano ee la soo dhaafey ee uu dalka ku jirey Fowdada ayaa Xadgudub noocaan ah la sameyna lahaa marka waa iska caddahay in ay ka dameeyaan shirkado shisheeye kuwaas oo dagaal kula jira Diinta islaamka bal fiiri sida Kutubka loogu gubey Mareykanka , Afganistaan marka waa Xadgudubyo waayadaan soo taxnaa tana waxay ka mid tahay Xadgudubyadaas marka waxaa dadka soomaaliyeed u soo jeedinaya in ay fadhiga ka kacaan oo ay ka hortagaan kuwa loo soo adeegsanyo Xadagudubka loo geysanyo Kitaabka Quraanka

Cal Maxamed Kutub oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa isna ka Hadley Xadgudubka loo geystey Kitaabka Quaanka kariimka waxaana uu yiri “Dhacadaan kuma Cusba Dunida laakin shacabka soomaaliyeed ayey ku cusub tahay marka fariintaas hadda ayey na soo gaartey marka waxaan ku talinayaa in deg deg looga hortago waayo kuwa ka waaweyn ayaa imaan doona sidoo kale Culima’udiinka Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa in ay Bulshada Baraarujiyaan si aysan mar kale u soo noqon Dhacdadaan “

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci oo shir jaraaid ku qabtey Xarunta Degmada Wadajir ayaa sheegey in Maamulkoodu uu si aad ah ula yaabey Xadgudubkaas loo geytey Kutubka Qur’aanka Kariim isagoo sheegey in ay Baaritaan ku sameyn Doonaan Ciddii ka dambeseyy falkaas Foosha Xun sidoo kale wuxuu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa kuwa ku xadgudubya Kitaabka Quaanka Kariimka

Culimadii gacanta ku hayey Masaajidadii ay ka dhaceen falalkaas iyana shir Jaraaid ku qabtey Degmada Midiina ayaa Xaqiijiyey Dhacdadaas foosha xun ee lagula kacay Kitaabka Quraanka Kariimka waxay kaloo ay sheegeen in dadkii ka dambeeyey Xadgudubkaas in ay ka baxeen Diinta Islaamka waa haddii ay soomaali yihiin oo loo soo adeegsadey in ay sameeyaan Falkaas loogu xadgudbey Kitaabka Quranka Kariimka waxayna dadka soomaaliyeed ugu baaqeen in ay si wadajir ah ugu hortagaan Falalka noocaas ah oo ay sheegeen in laga sooo waaridey ama laga soo dhoofiyey Dibadaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.