Home » Warar »

Xildhiibaan Daahir Ciiro “ Waxaa u soo jeedinayaa Madaxweye Shiikh Shariif in uu Dalka ka Masaafuriyo Danjire Mahiga”

Xildhibaan Daahir Ciiro oo ka mid ah Xildhibanada Barlamaanka ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Wakiilka Qaramada Midooobey ee Soomaliya Mahiga ka dib markii ay Siyaasiyiin badan ay ka cabteen gaar ahaan Siyaasada uu ku maamulo Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Mahiga arrimihii loo Igmaday in uu ka gudbay isla markaana oo qorsheeyay in Soomaaliya loo sameeyo Dawlado yar yar oo macna saas ah aan lahayn.

Daahir Ciiro ayaa intaa ku daray in Mahiga uu sheegey in aan loo baahnayn Dawlad Tabar leh oo Soomaalidu ay leedahay taasina laga fahmayo qaabka Shaqadiisii uu ugu xad gudbay.

Xildhibaankan ayaa soo qaatay hadaladii dhawaan uu ku sheegey Mahiga in kooxo aan la garanayn oo la magic baxay Aala Shiikh in ay ka taliyaan Madaxtooyada Soomaalida hadaladaas iyo kuwo kale oo Mahiga uu sheegey ayuu ku macneeyay xildhibaanku in ay yihiin kuwo uu ku doonayo in Soomaaliya uu ku kala qo qobo.

Xildhibaan Ciiro ayaa soo jeediyay in Madaxweyne Shariif uu kalsoonida kala noqdo Mahiga isla markaana gebi ahaantiisaba dalka laga Masaafuriyo.

Xildhibaankan oo keliya ma aha Dadka ka soo hor jeeda Danjire Mahiga waxaana jira siyaasiin fara badan oo hore aragtidooda uga dhiibtay Hadalada aan is raacsanayn ee Danjire Mahiga kuwaasoo hore ugu taliyay in dalka Soomaaliya laga ceyriyo maadaama uu ku hawlan yahay kala gaynta Soomaaliya.

Isku soo duuboo waxaa Muuqata in Sumcadda Mahiga ee gudaha Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaysa iyadoona xiligan ay soo kordhayaan Siyaasiinta iyo wax garadka ka soo hor jeeda Danjirinimadiisa uu Qarammada Midoobay u qaabilsan yahay arrimaha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.