Home » Warar »

Xaflad Xariga looga Jarayey Duulimaadka Caalamiga ee Shirkada Turkish Airway 20 Sanno ka dib oo maanta ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Iyadoo maalmihii u danbeeyayba si weyn loo hadal hayay in Shirkadda Turkish Airways ay Duulimaad ka bilaabayso Soomaaliya ayaa Duulimaadkii i ugu horeeyay ee Shirkaddaas waxay maanta ka Bilowdey Magaaladda Muqdisho .Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Dalka Turkiga ayaa Saakey Aroortii soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Munaasibad aad u ballaaran oo soo dhaweynta Diyaaraddaas loogu tala galay ayaa ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho iyadoona halkaa ay ku sugan Mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda sida Madaxweyne Shiikh Shariif iyo ka tirsan Labada Gole ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Dawladda. Kuwa AMISOM
Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare ku xigeen Turkiga Bekir Bostik ayaa si wada jir ah xariga uga jarey Duulimaadkii ugu horeeyey ee Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airways iyadoo maruu halkaa ka Hadley Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in Dowladiisu ay si aad ah u soo dhaweyneyso Duulimaadkaas taasoo uu sheegey in ay astaan u tahay Xirirka ka dhaxeeya labada Dal.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Duulimaadka Shirkadda ay astaan u tahay sidii Beesha caalamka indhahooda ugu soo jeesan lahaayeen sidoo kale wuxuu sheegey in Shirkada Turkish Air ways Imaanshaheeda Muqdisho uu yahay sida ay soomaaliya uga soo reyneyso Xaalada Soomaaliya waxaana Wafdiga maanta ay booqdeen Xerooyin barakacayaal ah oo ku yaal Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay gacanta ku hayeen Hayado Turki ah sidoo kale waxay soo eegeen mashaariicda ay Dowladda Turkiga ka hirgelineyso Magaalada Muqdisho oo ah kuwa Waxbarashada Caafimaadka , Dhismaha ,Biyaha iyo Adeegyo kale.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Diyaaraddan oo sidda in ka badan Siddeetan Rakaab ay ka mid yihiin Rakaabka Diyaaradaasi la socda Ganacsato, Dhaqaatiir, Macalimiin iyo Rag Khubaro dhinaca Dhismaha ah .booqashadan wafdiga heerka sare ah ee ay maanta Dalka ku yimaadeen Mas’uuliyiinta Turkiga ayaan ahayn tii horreysey iyadoo sanadkii horena uu Dalka Soomaaliya soo booqday Ra’iisul wasaaraha Dalkaas oo Indhaha Beesha Caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya.

Imaanshaha Diyaarada Turkiga ayaa waxaa soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dadka soomaaliyeed ay si aad ah ugu dhibanaayeen Dhinaca Duulimaadyada gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka imaanaya dibadaha kuwaas oo soo raaci jirey dhowr Duulimaad oo ay uga bixi jirtey Kharash fara badan sidoo kale Shirkada ayaa waxaa lasheegey in Xitaa ay bilaabeyso Duulimaadyada Dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo weliba kuwa Gudaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.