Home » Warar »

Guddoomiyaha Baarlamaanka Madoobe Nuunow oo ka hadlay Khilaafka ka Dhex Dhashay Madaxweyne Shariif iyo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayna yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka kuwaas ah kuwa ka soo hor jeeda Shariif Xasan ayay kaga hadleen guud ahaan Xaaladaha uu dalku marayo haatan.

Xildhibaanada ayaa sheegey in loo baahan yahay in dalku ka gudbo Marxaladda uu haatan ku jiro isla markaana lala jaan qaado is bedelka siyaasadeed ee ku dhisan xiliga kala Guurka.

Xildhibaanadan Baarlamanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Siyaasadda Soomaaliya ee ka gudubka xiliga ku meel gaarka iyagoona sheegey in iyagu ay doonayaan in Bilaha soo socdaba ay doortaan Madaxweyne.

Xildhibaan Madoobe Nuunoow oo xildhibaanadani ay u doorteen Guddoomiyaha Baarlamanka oo kulankaas ka hadlay ayaa soo qaaday hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif oo ahaa in Ambashador Mahiigga ay Marada ka dhacday ka dib markii Mahiga uu sheegey in Xarunta Madaxtooyada ay Afgambi ku qabsadeen Koox Diimeed la yiraahdo Aalla Shiikh.

Madoobe Nuunoow ayaa sheegey in arrintaasu ay tahay mid ay iyagu hore u ogaayeen laakiinse loo baahan yahay in xukuumaddu ogaato Hagardaamooyinka Ergayga Qaramada Midoobay uu ka wado Soomaaliya.

Guddoomiye Nuunow ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la ogaado in Danjire Mahiga uu weligiiba ka shaqaynayay kala gaynta Ummadda Soomaaliyeed, isagoona wanaag ku sheegey in Madaxweynaha uu haatan uun arko in Mahiga uu yahay Nin aan ka shaqayneyn Maslaxada Ummadda Soomaaliyeed.

Madoobe Nuunow ayaa ugu yeeray siyaasiinta Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Danjire Mahiga isla markaana la garto in uu yahay nin ku hawlan kala qayb qaybinta Ummadda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa la sheegey in Mahiga uu hadalo afagaadda ah u gaystey Xildhibaanada Barlamanka isagoona ku sheegey in ay yihiin Dagaal Oogayaal isagoo mar kalena Xarunta Madaxtooyada ku sheegey inuu ka dhacay Inqilaab ay sameeyeen Wadaaddo uu ku sheegay Aalla Sheekh taasoo ka carsysiisay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Sidoo kalena Aflagaado aan geed loogu soo gaban u geystey Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajo ka dib markii uu ku eedeeyey in ka dambeeyo Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.