Home » Warar »

Gudoomiyaha Naadiga Pen oo Muqdisho kala Qayb galey Xusas loo sameeyey Sannad Guurada 40 aad Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo iyo Sannad Guurada 17 aad ee Naadiga Pen

Waxaa maanta Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimey oo lagu Xusayey Sannad Guurada 40 aad ee Maalinta Caalamiga ah Afka Soomaaliya iyo Sanand Guurada 17 ee Naadiga Hal Abuurka iyo Qalimaalka Soomaaliyeed ee Somali Pen waxaana Xafladaan qabtey Naadiga Pen ee Koonfurata iyo Bartamaha Soomaaliya

Xafladaan oo lagu wadey in la qabto 21 Feberaayo ee la soo dhaafey ayaa dib u dhacdey sabab la xiriira ka soo qaybgalka Gudoomiyaha Naadiga Pen Mudane Aadan Xasan (Aadan Balalow ) oo howlo shaqo ku maqnaa waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka socotey Qaybaha kala duwanee Bulshada Abwaano, Qorayaal, Fanaanin , Ganacsato , Ardey iyo Marti Sharaf , waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Xoghayaha Guud ee Naadiga ee Pen ee Koofurta iyo Bartamaha mudane Axmed Maxamed Dhicisow oo sheegey in si aad ah ugu faraxsan yihiin in Xaflada uu kala soo qaybgalo Gudoomiyaha Naadiga Pen.

Waxaa sidoo kale ka Hadley Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Cabdinaasir Yuusuf Macalin oo si aad a h ugu dheeraadey waxyaabhii u qabsoomey iyo waxaa u qorsheysan Mustqabalka oo uu naadiga qabanayo isagoo sheegey in naadiga uu u qorsheysan yahay in ay qabtaan Barnaamijyo fara badan oo lagu hormarinayo Afka Soomaaliga .

Xafladaas ayaa waxaa kaloo ka Hadley Prof Mustafa Cabdulaahi Cali (Dheeg) oo ah Bare wax ka dhiga Jaamacada Muqdisho ah Aqoonyahan si aad ah u Daraaseeya Afka Soomaaliga ayaa sheegey in Afka soomaaliga ay ku hadlaan ilaa 25 Milyan oo qof islamArkaana waxaa uu sheegey in Afka soomaaliga uu ka mid noqdey 12 Af oo si aad ah loo aqoonsan yahay maadaama uu ka talaabey Xuduudaha waxaa kale uu Prof Dheeg uu ku dheeeraadey mar xaladihii uu soo marey Afka soomaaliya wuxuuna u soo jeediyey Dadka soomaaliyeed in ay ku dadaalaan sidii ay u hormarin lahaayeen Afka Soomaaliya

Xubnhii kale ee ka Hadley Munaasabadaas waxa ka mid ah Maxamed Cilmi Tooxow oo ka socdey Waxbarashada wuxuuna ka Hadley Qaabka loo sameeyo waxa la yiraahdo Shiribka oo uu sheegey in shirirbka uu ka kooban yahay dhowr erey oo uu sheegey in ay gudbinayaan fariin ay ku dhameystiran yihiin macnihii oo dhan taasoo ay fahmayaan dadka oo dhan , waxaa kale uu sheegey in Suugaanta koofurta ay tahay mid ku saleysan ama ka turjumeyso farxad oo u badan Heeso halka kuwa reer Waqooyiga ay yihiin kuwa ka hadlaya dhibaato , Daruufo

Waxaa sidoo kale ka Hadley Mudane Caynaanshe oo ka socdey Shirkadda Hormuud ah shirkadii taaba gelisey Xafladda lagu xusayey Sanand Guurada 40 aad maalinta Caalamiga ee Afka hooyo iyo Sannad Guurada 17 aad ee Naadiga Pen isagoo sheegey in Shirkada ay u taagan tahay in Bulshada Soomaaliyeed ay kala qayb qaadato gacansiinta hadba waxyaabaha bulshada faaiidada u ah gaar ahaa Barnaajka noocaan oo kale ah ee lagu hormarinayo Afka Soomaaliga iyo Qoraalkiisa.

Xaflada oo ay ka hadleen dad fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin ayaa waxaa kaloo ka mid ah dadkii ka Hadley Munaasabadaas Drs Maryan Cariif Qaasim oo iyana ah ka mid ah Naadiga Pen ayaa waxay uu mahadcelisey Dowladii Maxamed Siyaad Bare oo ay sheegtey in la’aanteed aan la qori lahayn afka Soomaliga iyadoo sidoo kale waxay sheegey in ay ka mid ahayd ardeydii ka qayb qaadatey Ololihii afka Soomaaliga ee halku dhigiisu ahaa Bar ama Baro waxayna u soo jeedisey Bulshada Soomaaliyeed in ay ahmiyad gaar ah siyaan Afkooda Hooyo ee Soomaaliga

Gebegebadii waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Naadiga Pen ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan (Aadan Balalow ) oo markiiba u mahadceliyey Naadiga Pen qaybtiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo uu sheegey in a yihiin qaybta ugu dhaqdhaqaaqa badan marka la fiiriyo qaybaha kale sidoo kale wuxuu sheegey in Naadiga Pen la Abuurey 1997 dii wuxuu xiligaa Xafiiskiisa uu ahaa Magaalada London ee Cariga Ingiriiska hase yeeshee Aadan wuxuu sheegey in Markii dambe Xafiiska loo soo rarey Dalka Jabuuti ka dib markii uu dadaal u galey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

Gudoomiye Aadan wuxuu sheegey in Sababaha loo abuurey Naadiga uu yahay sidii gacan ku hayn loogu sameyn lahaa Afka Soomaaliga si uusan u lumin sida ay u lumeen Afaf kale oo dunida ka jiri jirey,ugu dambeynti waxaa Gudoomiyaha uu Shahaadooyin Sharaf gudoonsiiyey Hayado , Shirkado iyo Shaqsiyaad gacan ka geystey Horumrinta Afka Soomaaliga sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu Mahadceliyey Shirkada Hormuud oo ahayd shirkadii gacan ka geysatey Hirgelinta Xafladaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.