Home » Warar »

Banaanbax aad u xoog badan oo ka dhacay Magaalada London – Safaarada Itoobiya horteeda

Abaarihii 11 Duhurnimo ayaa waxa dad kasoo jeeda dhulka Somalida Ogadeniya waxa ay isasoo hor tubeen Safaarada Itoobiya ee ku taala London. dadkan oo kor udhaafaya 500- oo qof ayaa isugu jiray Caruur, haween, dhaliyaro iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada sida culumo iyo aqoonyahanka Somalida Ogadeniya. Dadka mudaharadaya ayaa waxa ay kasoo horjeedaan Gumeysiga Ethiopia oo ka geystay dhulka Ogadeniya Xasuuq iyo barakicin. Waxaana dadu ay ku qeylinayaan Males Zenawi Down, Free Free Ogadeniya.

Waxa aa wax ka weydinay Dadkii soo qaban qaabiyay banaanbaxa Daahir Tamuuje oo noo sheegay in banaanbaxan ku aadan yahay wafti uu soo dirsaday Males Zenawi oo raba inay lacag ka aruursadaan shacabka Somaliyeed si ay ugeystaan Xasuuq xoogana ugula soo baxaan shidaalka Ogadeniya,

Cusman Badal oo ah masuul kamid ah Jaaliyada Somalida Ogadeniya ayaa isna noo sheegay in dadka kasoo qeyb galay shirkan Gumeysiga Ethiopia dhaqaalaha ku arruusaneyso inaysan aheyn dadka u dhashay Somalida Ogadeniya. Waxaa ay yihiin Dad kasoo jeeda Hargeysa iyo Boosaaso iyo gobolada kale ee somaliya. Ma la fahmi karo shacabka Xorta ah ee Jamuhiryadi Somaliya sababta ay dhaqaale u siinayan Gumeysiga Ethiopia. Gumeysigaas oo Xasuuq ka geystay Muqdiso iyo gobolo badan oo somaliya kamid ah.

Shacabka Somalida Ogadeniya waa kan mudaharadaya ee xoriyadiisa u dagaalamaya. Waxa ugu baaqayna Somalida Jamuhiriyada inay ka waantoobaan gumeysiga oo aysan nooga soo soko marin. Waxaa sidaas yiri Cusman badal Aqoonyahan siyaasi ah oo kamid ah shacabkii banaanbaxa soo qaban qaabiyay.

Shirkan Safaarada Itoobiya ka dhacay ayaa ka gadisnaa kuwo hada ka hor lagu qabtay Safaarada waxaana Sanadkii hore u badnaa Somalida Puntland iyo Somaliland sanadkan waxaa shirkan kaga badnaa labadaas gobol Somalida kasoo jeeda Sool iyo Sanaag oo iyaga la odhan karo dadka kaliya ee shirkan yimid ayay ahaayeen. Gumeysiga Ethiopia ayaa Somalida ku soo jiita siyaadasa qeybi oo xukun isaga oo kolba gobol kamid ah Jamuhiriyadi xorta aheyd u sheega inu aqoonsanayo gobolkooda haddii ay fuliyaan danaha Gumeysiga ee Ethiopia. Shacabka Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa ah iyagu shacab jecel Xoriyada iyo Somalinimada dhabta ah, balse aan lagu aqoon inay hoos tagaan Gumeysi.

Shirkan ayaa danaha laga lahaa ay tahay in laga arruursado dhaqaale Somalida qurba joogta ah, kadib markii la oggaaday somalida ku nool dibada inay geeska Afrika u diraan sanad kasta lacag gaadheysa 1 billion oo dollar. oo xawaaladaha lagu diro. Waxa gumeysigu uu raba in dhaqalahaas uu dhaco oo uu somalida u sheego been abuur ah inay maal gashadaan Ethiopia oo ay ka qeybqaataan Biyo Xidheen. U jeedada ka danbeysa ayaa ah sida la sheegay in dhaqalahan yahay mid lagu soo saarayo shidaalka Ogadeniya oo ay dowlada Ethiopia u weyday Shirkadi qodi laheyd, waxay rabaan in shirkad ay iyagu sameysteen oo Ethiopian ahi shidaalkaas qodo. Lacagti lagu qodilahaana laga soosaaro isla Somalida ku nool Dibadaha.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.