Home » Warar »

Dagaalka ka socda Raaso waxaa hurinaya Gumeysiga iyo adeegayaashiisa

Taliska gumeystaha ee Addis Ababa, suu u sii cimri dheeraysto wuxuu caado ka dhigtay inuu isku diro oo hubka isugu dhiibo shacabka walaalaha ah ee Somalida Ogadenya. Si uu qorshihiisa gumeysi iyo isir sifayntu ugu hirgasho wuxuu si xishood la´aan ah u adeegsadaa tabta lagu yaqaano gumeysiga ee ah qaybi oo xukun. Wuxuu Taliskaas dhiigya cabka ah iyo kuwa dhidid dhawrka ah ee uu ku adeegto ay si kumeel gaadh ah colaad magac qabiil huwan u dhexdhigaan shacabka Soomaliyeed ee walaalaha ah.

Si loo fashiliyo ujeedooyinka cadowgu ka leeyahay qaybinta shacabka, waxay JWXO xooga saartay inay shacabka ku baraarujiso qorshe dhagareedka gumesiga iyo inay joojiyaan dagaalka xaq darada ah, oy u midoobaan midka xaqa ahee gobanimadoon oo ay ku gaadhayaan xoriyadooda. Shacabka Somaliyeed waxaa waajib ku ah inay u hogaansamaan fariintii Ilaahay uu faray ee ahayd inay dhowraan midnimadooda oy iska ilaaliyaan daadinta dhiiga walaalaha xag dhalasho iyo xag diinba.

Dagaalka dhexmaray beesha Degaanka Raaso, waa mid u adeegaya cadowga iyo ujeedadiisa ah inuu ku adkaysto xukunkiisa ku dhisan gumaysiga iyo cadaalad darada. Wuxuu idinka jeedinayaa danta guud iyo dareenkii wada dhalasho. Wuxuu doonayaa inuu idinku beero dareenka ah “beeshiina iyo beeshanada”. Umaddii sidaas u fikirtana gumeysi ayey ku waartaa.

Sidaa darteed, dagaalkaasi waa danta cadowga, isagaana ka dambeeya. Waa in si degdeg ah loo joojiyo, dhibaatadii dhacdayna hab walaaltinimo iyo wadahadal lagu dhameeyo.

Adm. Maxamad Cumar Cismaan
Gudoomiyah Jabhada Wadaniga Xorayta Ogadeenya (JWXO)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.