Home » News »

SASA oo ugu baaqday ganacsatadda soomaalida south Africa iney u gar gaaraan dadkii lagu boobay duleedka magaaladda Restanburg ee gobolka north west

Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika ee SASA ayaa manta baaq ku wajahan ganacsatadda soomaalida ah ee dalka koonfur afrika ka soo saartay xafiiskeeda magaaladda Johannesburg.

SASA waxeey wax lagu xumaado ku tilmaamtay dhaca iyo boobka soo lab labanaya ee loo geysanayo ganacsatadda soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika .

SASA waxeey farta ku fiiqday boobkii u danbeeyay ee ganacsatadda soomaaliyeed loogu geystay magaaladda Restanburg ee gobolka north west .

Dadkii boobka geystay ayaa ahaa shaqaalaha qoda macdanta oo ka cabanayay dhanka mushaarooyinka mudaaharaad eey wadeen markuu soo dhamaaday ayey cagta mariyeen in ka bada 20 dukaan oo soomaali leedahay oo ku yaalada duleedka magaaladda Restanburg.

Baaqan manta ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha SASA mudane C/Raxmaan Raabi ayaa waxaa laga ga codsaday ganacsatadda soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur Afrika iney garab istaagaan ganacsatadda lagu boobay magaaladda Restanburg lana gaaraan gurmad iyo samafal deg deg ah.

Baaqan ayaa si gaar ah looga codsaday maamulka jaaliyadda soomaalida ee gobolka north west iyo gudiga culumada ee gobolkaas iney u istaagaan samatabixinta barakacayaasha ku sugan magaaladda Restanburg.

Arintaas oo ah waajib diini ah oo saran ruux kasta oo soomaali ah inuu wax ka qabto musiibada haleeshay walaalaha la boobay.

U gar gaarida dhibanayaasha waxeey xoojineysaa walaaltinimadda diinta islaamka ah iyo soomaalinimadda dhexdiina ah.

Xadiis x.aadan Cismaan
xadiis80@hotmail.com
Johannesburg,koonfur Afrika,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.