Home » Warar »

Dood siyaasada Somalia kusaabsan oo channel ka caalamiga ah E-TV/ africa 360 U Qabtay Jaaliyada Somalida South Africa ( SASA)

Channel-ka Caalamiga ah E “AFRICA 360” ayaa maanta dood ku saabsan shirkii soomaalida ee London loogu qabtay ku qabtay magaaladda Johannesburg.
Waxaa shirkaa kasoo qaybgalay DR. IQBAAL oo ah safiirka Koofur Afrika ee dalka Eretaria iyo madaxa xiriirka guud ee jaaliyadda soomaalida Koonfur Afrika mudane Maxaamed amiin:
Channel –ka caalamiga ah E “Africa 360“ ayaa manta dood ku saabsan shirkii soomaalida loogu qabtay magaaladda madaxda cariga Engiriiska ee London ku qabtay xaruntiisa magaaladda Johannesburg ee dalka koonfur Afrika,

Dooda waxaa ka qeyb galay madaxa xiriirka guud ee jaaliyadda SASA ee mudane Maxamed Amiin ismaaciil salad iyo DR. iqbaal oo ah safiirka dalka koonfur Afrika u fadhiya dalka Eretaria, ahna khabiir ku takhasusay geeska afrika .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Madaxa xiriirka guud ee SASA ayaa soo dhaweyay shirkii magaaladda London kuna tilmaamay talaabo hormar leh,

Asagoo farta ku fiiqay caqabadda heysta DFKMG iney tahay arimahan hoos ku xusan:

1-khilaafaadka madaxda gudahooda ah

2-faragalinta militari ee dowladdaha dariska ah

3- faragalinta reer galbeedka

4-musuq maasuqa hay,addaha caalamiga ah ee samafalka

5-wada xaajood la,aanta Al shabaab iyo DFKMG ah

Dhanka kale waxaa asagana qiray arintan DR. iqbaal oo yiri(hadii la rabo xal waara waa in la la xaajoodaa xarakadda Al shabbaab)

Dr.iqbaal iyo Maxamed Amiin ayaa isku waafaqay in soomaalidu wada fadhiistaan ooy dhameeyaan waxii khilaaf ah ee dhexdooda ah taas ayaa keeni karta soomaaliya oo nabad hesha.

Xadiis x.aadan Cismaan
xadiis80@hotmail.com
Johannesburg,koonfur Afrika,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.