Home » Warar »

Jaaliyadda Sweden oo casho sharaf u sameysey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sweden ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhoweeyeen casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay.

Casho sharaftan ka dhacday Makhaayadda Jubba ee magaalada Stockholm ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Nabadda iyo Horumarka. Xafladan ayaa cashadii ka dib waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadda Sweden, oo isagu jiray oday dhaqameed, dhalinyaro, aqoonyahan, dumar iyo waxgarad kale. Jaaliyadda Sweden ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaantay doorka saliimka ah ee uu ka qaatay sidii amnigii iyo kala danbeyntii dib loogu soo celin lahaa.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay Safiirka Midowga Yurub Nur Adde, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Abdiwahab Ugas Khalif iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo aad iyo aad uga mahadceliyey Jaaliyadda Sweden sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen, isla markaana u sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay in shacabka Soomaaliyeed uu la xisaabtamo isla markaana sheegay in khudbadiisa rasmiga ah uu maalinta Khamiista ka jeedin doono xafladda Jaaliyadda ugu talo gashay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +46734760157
engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.