Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Sweden

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah Ra’iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ah Ra’iisul Wasaarihii 5aad ee ay TFG yeelato tan iyo 2004tii ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sida ugu habboon ee Somalia iyo Sweden uga wada shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan soo afjaridda Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu jirta soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo hadda oo uu ku sugan yahay Sweden.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
E-mail: engabdirahman@gmail.com
Tel: +46734760157 – Sweden

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.