Home » Warar »

Xaflad si Heer loo soo Agaasimay laguna soo Dhaweynayo Xayiraadii laga qaaday Shirkada Barakaat oo ka Dhacday Magaalada London.

Munaasabad si heer sare ah looga soo shaqeeyey ayna soo abaabuleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska ayaa ka dhacday Magaalada London taasoo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Kumeel Gaarka Soomaaliyeed iyo shacbi weyne isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee Magaalada London.

Xafladan oo iyadu qado iyo Khudbadaba isugu jirtay tasoo lagu soo dhaweynayey xayiraadii xaqdarada aheyd ee la saaray shirkadan Barakaat kow iyo toban sano ka hor ayaa aheyd mid kasoo qeyb galayaasha ay ka muuqatay wajiyadooda farxad, waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta halka goob jooga ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Nuur Tarsan oo isagu ku ammaanay gudoomiyaha Shirkadda Barakaad Shiikh Axmed Nuur Jimcaale Ammaano iyo dulqaad, isaga oo sheegay in qaar ka mid ah dadkii lacagaha u taalay ay qabsadeen isagana uu dadkaasi u celiyay lacagahoodii.

Tarzan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in gudoomiyaha shirkadda Barakaat uusan wax xiriir ah la’laheyn Xarakada Al-Shabaab sidoo kalana uusan ku lug lahayn ka ganacsiga dhuxusha oo uu sheegay in lagu soo eedeyay Gudoomiyaha shirkadda Al-Barakaat, isagoo sidoo kale golaha ammaanka uga digay in ay ku kadsoomaan talaabooyin been abuur ah oo laga sameeyo shirkaddan iyo kuwa la midka ah, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in magdhow laga siiyo shacabka hantidooda la xayiray iyo waliba shirkadda Al_barakaat oo qudheeda sumcaddeeda la xumeeyay, isagoona ugu baaqay shacabka in ay difaacadaan shisiyaadka muhiimka u ah bulshada soomaliyeed sida Axmed Nuur Jimcaale.

Sidoo kale Xafladan waxaa la hadlay Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo isagu sheegay in ay tahay guul usoo hoyatay shacabka soomaaliyeed xayiraada laga qaaday shirkada Barakaat loogana baahan yahay in shirkadaha soomaaliyeed ay tageeraan ciidamada xooga dalka si looga baxo ayuu yiri gacan hoorsiga dowladaha shisheeye, iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir shido iyo Xildhibaanad Aamina oo gidigood si isku mida u soo dhaweeyey guushan la gaaray ee ah in Xayiraadii Xaqdarada aheyd ee saarneyd kow iyo Toban sanadood shirkadan Barakaat laga qaado taas oo iyadu subax uun albaabada la isugu dhuftay.

Masuuliyiin kala duwan iyo waxgarad ayaa iyagu halkaa ka hadlay kuwaa oo aad u qiireysnaa kuna farxsana in Barakaat dib xoriyadeeda u hesho si ahaana ka xumaa warqada dib loo daabacay ee lagu eedeynayey gudoomiyaha shirkada Barakaat iyadoo Salaad Cusmaan Rooble uu ku tilmaamay wax lala yaabo oo miyir qabka ka fog xayiraad ka qaadid iyo warqada uu ku sheegay mid caqliga ka fog oo ah buu yiri in lagu eedeeyo Zaad ayey shabaab u fureen iyo shabaab ayaa xiray Zaad.
Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah
Sharci yaqaan Qaareey oo isagu ahaa sharci yaqaankii ay dowladii Carte u magacowday markii xayiraada soo baxday ayaa isagu sheegay in waagaaba ay ku waayeen wax cadeyna oo sheegaaya eedeymaha lagu soo oogay isagoo sidoo kale sheegay in ay xitaa tageen Xafiiskii Barakaat ee dalka Imaaraadka si ay u baaraan balse uu sheegay in ay aheyd eedeyn been abuura, iyadoo sidoo kale Afayeenka Ahlusunna Waljamaaca Maxamed Xuseen Abuukar oo loo yaqaan Owliyo Dadweyne shegay in Barakaat xayiraadeeda aheyd dagaal lagu soo qaaday umada soomaaliyeed, sidoo kale xayiraada laga qaadayna ay tahay guul usoo hoyatay umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in cid kasta oo is been fartiinta maalin un beentaa laga daba tagi doono.

Xafladan oo iyadu aheyd mid ay ka hadleen masuuliyiin iyo waxgarad fara badan ayaa intoodaba waxa ay uga hambalyeeyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele doorkii uu ka qaatay in xayiraada laga qaado shirkada barakaat iyadoo qadka taleefanka uu kaga soo qeyb galay xafladan Gudoomiyaha Shirkada Barakaat Shiikh Axmed Nuur JImcaale oo isagu ku sugan dalka Jabuuti isagoo aad uga mahad celiyey Jaaliyada Reer UK sida ay isagu soo baxeen in ay soo dhaweeyaan xayiraada laga qaaday shirkada Barakaat, waxeyna xafladan oo soo taxneyd kowdii duhurnimo ilama Todobada fiidnimo kusoo gaba gabowday iyadoo dadweynuhu dalbanayeen in shirkada Barakaat mar kale dib u soo noqoto.

Xafladaas oo ku soo gabagabowdey sidii loogu talagaley ayaa waxaa sidoo kale MAgaaladda Muqdisho shir jaraaid ku qabtey Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo iyana soo dhaweeyey Xayiraad ka qaadidii Shirkadda Barakaat oo ay shirkooda Jaraaid ku sheegey in si xaqdaro ah Shirlkadaas loo Xayirey waxaana la filayaa in dalka Guud ahaan ay ka dhacaan Xaflado lagu soo dhaweynayao Xayiraad ka qaadadii Shirkadda Barakaad

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.