Home » Maqaallo »

Soomaali Nabad Xaq ma u leedahay?

Qandaraaska nabad u qoonso Soomaalida:
Su’aashu waxeey tahey horta mujtamaca soomaaliyeed xaq ma u leeyihiin ineey nabad ku noolaadaan?
QANDARAAS! QANDARAAS! QANDARAAS! Waa fursadii aad sugeeyseen ee ha moogaan!
Mudanayaal, (Marwooyinka uma furna qandaraaskaan waqti xaadirkaan maadaama aysan diyaar u aheeyn ineey xasuuqaan ubadkooda, waalidkood iyo walaalahood) ha ka qadinina mashruuca laga taajiro ee loogu magac darey “qandaraaska nabad u qoonso Soomaalida.” Waa mashruuc qofkii helaa uu maalin ku taajiri doono. Shuruudaha looga baahanyahy waa maxey?
1. Waa inuu dhiiga ugu badan daadiyay ama inuu daadiyo diyaar u yahey, kuna sifoobaa maato leeys

2. Waa in istraatijiyadiisa ugu weeyn ay tahey tol tolmoonaan ka dhashey, udhiidhinayaa una dhimanayaa

3. Waa inuu yahey dantiis yaqaan ay soo barakeeyeen dhamaan cadowga Soomaaliyeed

4. Waa inuu goobaha nabdoon u dhoofin karaa dilka, dhaawaca iyo dhaca, burburina karaa ilaha halbowlayaasha u ah qaranka Soomaaliyeed

5. Waa inuu yahay doodaa codkar ah oo beenta ka dhaadhicin kara shacabka uu hogaaminayo iyo kuwa uu gumaadayo intaba.

Hadaba intaas hadii aad isku hubto inaad ku sifoowdey, waxaad gudubtey wareega ugu adag ee aad u geli laheeyd marinkii iyo moorsadii ku gaarsiin laheeyd gacan ku dhigida mashruuca “qandaraaska nabad u qoonso Soomaalida”
Wareega labaad oo ka taqalus ah (knock out) waa kasii qatarsanyahey kii aad soo gudubtey, laakiin maadaama aad waayo aragnimo iyo ad adeyg korosatey waxaa lagaaga fadhiyaa inaad si sahlan uga boodid shuruudaha soo socda!

Tijaabooyin badan baa lagu marsiin, Talo walboo guracan ee laguu soo jeediyana waad ku taami
Taxadar iyo astaamihii wanaagsanaa eed ku tilmaamneeydna sidii tusbax go’aad u tuuri
Taariikh mugdiyo badan iyo tajriibooyin argagax huwan ayaad umadaada ku taakuleeyn
Tooreeyo mariid ah ayaad bir ma geeysada iyo indheergaradka si talantaali ah uga taqalusi
Towxiidka toosan iyo tiirarka iimaankana si habsami leh ayaad u tirtiri
Tolkii ku taageerayna buqunahood goysaad ku abaalmarin, tagoogahana waad ka toogan
Tubtii Soomaali toolmoon lagu yiqiina tiiraanyo iyo caloolyoow baad ku tahlukeeyn

Wareega saas u xiisaha badan hadii natiijadii lagaa rabey, oo ah in Soomaalinimadu baaba’do oo aysan dib danbe rajo u yeelan kuu suurta gali weeyso, waa inaad ogaataa in qandaraaskii aad ku guuldareeysatey oo aad ku mudatey canaan adag iyo inaadan mar danbe masraxa tartamada noocaan oo kale ah kasoo muuqan.

Balse maadama nin odey ah oo kabax kabaxleeyay aad noqotey, waxaad dhacdey iyo dhiigaad qubtey laguu raacanmaayo’e aduunyada dacaladeeda ku tamashleey oo daaro waaweeyn iyo dayuurado ku maalgasho.
Akhristoow aan su’aasha ku noqdee, Soomaali nabad xaq ma u leedahay? Hadii ay haa tahey, sida ay u muuqato, yaa mas’uul ka ah oo masiirkeeda lagala tacaamulaa?

Maxaa sababey in kuwa markasta nabada iyo horumarka burburinaya la taageero?
Maxaa sababey in kuwa cadowga soo jireenka dabqaadka u ah warkooda loo riyaaqo?
Maxaa sababey in wanaaga loo hiilin waayo, xumaantana laga dhiidhin waayo?
Miyaan la gaarin xiligii ay inta wax garataa cod dheer oo midnimo leh ku diidi laheed shirqoolada loosoo maleegaayo ee nabadooda lagu aafeeynaayo mudo 20 sano ka badan?

Miyaanse la gaarin xiligii laga gudbi lahaa carqabadaha ku saleeysan qabyaalada, is jufeeysiga iyo kooxeeysiga na badey sharaf darada nagu habsetey, loona tilaabi lahaa isku duubnida danta guud?
Maxaa talo ah oo nala gudbooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooon?
Akhristayaasha sharafta mudanoow waa su’aalo jawaabahooda looga fadhiyo shaqsi kasta oo ah soomaali damiir leh.

Hussein Omar
hustanic@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.