Home » Warar »

Dowladda Kenya oo Sheegtay in wax wada hadal ah aysan la Galayn Xarakada Al Shabaab ee ku saabsan sii Deynta Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya .

Afhayeenka Xukuumadda Kiinya Cyrus Aguna ayaa ka hadlay dadaalada Ciidamadooda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.Af hayeenka oo la hadlay war baahinta Dalkaas Kiinya ayaa sheegey in Dawladda Kiinya Ciidamadeeda marnaba aysan kala bixi doonin Soomaaliya illaa ay ka cirib tiraan Xarakada Shabaab oo iminka dagaal uu kala dhaxeeyo.

Mr Aguna ayaa sheegey sawirada dhawaan ay soo ban dhigeen sarkaal ka tirsanaa Dawladda Kiinya oo Xarakada Shabaab ay hore u af duubeen oo hadlay kana codsanaya Madaxweyne Kibaki in Ciidamada Kiinya laga saaro Soomaaliya ayaa arrintaa ku tilmaamay mid Bara baganda ah isla markaana Ninkaas uu Khiyaarkiisu ku hadleyn ee laga hadaLshiinayay.

Afhayeenka ayaa ku gacan seyrey in marnaba wax wada hadal ah aysan Xarakada Shabaab la galayn isla markaana ay sii wadayaan hawl Galkooda ay ugu magic dareen Bad Baadi Qaranka.Saaris ayaa ugu baaqay Ehelada la haystayaashaas kiinyaanka ah eek u jira gacanta Xarakada Shabaab in ay is dejiyaan isla markaana ay iska dhaafaan wel welka ka haya Raggaan Kiinyaanka ee gacanta shabaab ku jira isagoona u ballan qaaday in ay soo laaban doonaan.

Afhayeenka Xukuumadda Kiinya ayaa sheegey dhinaca kale in ciidamadooda u gudbay Soomaaliya mudadii ay halkaa ku sugnaayeen ay soo hooyeen guulo la taaban karo isla markaana ay haatan sii dhamays tirayaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Shabaab.

Dawladda kiinya ayaa warar Todobaadkii hore ay shaacisey waxa ay ku sheegtay in Dagaaladii ay la gashay Shabaab ay kaga dhinteen Askar Tiradoodu ay ku sheegtay illaa Toban Askeri marka laga bilaabo Bishii Oktoobar ee kal hore xiligaas oo ahayd markii Ciidamada kiinyaanku ay ka soo tallaabeen Xadka ay Soomaaliya la wadaagaan si ay u baacsadaan Dagaalyahanada Alshabaab.hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda Kiinya ayaa waxa uu imaanayaa xilli Kiinya lagu Eedeeyo in Dagaalkii Koofurta ayan wax horumar ah ka samayn gaar ahaan dhinaca Dagaalka Dhulka halka dhinaca Cirkana la sheego in ay garaacdo goobaha uu rayidku ku sugan yahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.