Home » Warar »

Qarammada Midoobay oo Liiska Xannibaadda Ka Saartay Shaqsiyaad iyo Shirkado Soomaali ah

Go’aan ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa Liiska Alqaacidda looga saaray gancsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo todobo iyo toban shirkadood oo Soomali ah.

17-kii febraayo 2012. Guddiga golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacida waxay go’aansadeen in ay ka saareen liiska xanibaadda ee al-qaacidda shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaalida, Axmed Cali Jimcaale iyo 17 shikadood oo u badan shirkadihii la isku dhihijiray “Barakaad Group of Companies” ayuu qoraalku caddeynayaa in ay ka qaadeen xanibaadihii saarnaa.

Qaraarka oo wata lambarka SC/10549 ayaa caddeynaya in hantida, safarada, iyo hubka kuna cadaa qaraarka lambarkkisu ahaa 1989{2011} ee lagu soo rogay magacyada shaqsiyaad iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaadaay.

Magacyadaas ayaa u qoran sida tan.

  • 1. Axmed Nuur Cali Jimcaale
  • 2. Barakaad Bank of Soomaaliya
  • 3. Albaraka Exchange L.L.C.
  • 4. Barakaad Telecommunication company
  • 5. Barako Trading Company
  • 6. Al-Barakaad
  • 7. Al-Barakaat Bank
  • 8. Al-Barakaad Bank of Somaliya “BBS”
  • 9. Al-Barakaat Finance Group
  • 10. Al-Barakaad Financial Holding. Co
  • 11. Al-Barakaad global Telecommunications
  • 12. Al-Barakaad Group of telecommunications
  • 13. Al-Barakaat international
  • 14. Al-Barakaat investments
  • 15. Barakaat Group of Companies
  • 16. Barakaat Red-sea of companies
  • 17. Barakaat international companies {BICO}
  • 18. Barakaat telecommunication company Limited.

Go’aankan Qarammada Midoobey ayaa la garey 17-kii febraayo 2011, lana faafiyey 21-kii febraayo 2011.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in shaqiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-qaacida lagu gaaray Go’aan ay gaareen guddiga golaha Amaanka u qaabilsan la socoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-qaacida.

Kow iyo tobankii sanadood oo shirkadahaas oo miisaan weyn iyo miimaba ku lahaa guud ahaan ay xanibnayeen isla markaasna hadda ay timid in liiska xanibaada laga saaro ayaa waxaa nasiib daro ah in aas aasihii shirkadahaasi uu wili ku sii kale oo heer Gobol ah.

Wax garadka iyo dhammaan dadaweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan in ay maqlaan dhawaaqaan farxadda leh iyagoo rajeynaya in inta dhimana laga saaridoona liiska.

Nuqulkii asalka ahaa ee Qaraarka Golaha amaanka oo English ah halkaan ka furo
http://www.un.org/News/Press/docs/2012/sc10549.doc.htm


OGEYSIIS BISHAARO AH!

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK iyo Daafaheeda waxaa la ogeysiinayaa in ay dhici doonto xaflad weyn oo lagu soo dhoweynayo fasixiidda shirkadda weyneyd ee Al-Barakaat oo muddo 11 sano ah xayirneyd.

Haddaba waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo inta horumarka jecel lagu casuumayaa in ay ka soo qeyb galaan xafladaasi qiimiga leh.

Xafladda waxaa lagu soo dhoweynayaa Bishaarada ah in Liiska xayiraadda laga saaray Albarakaat iyo Masuuliyiinteeda, waxaana halkaas loogu mahadcelin doonaa dhammaan intii gacanta ka geysatay soo celinta iyo fasixiida shirkadan qiimaha u leh ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda waxay ka dhici doontaa

22 Patidar house, London road
Wembley Middlesex
HA9 7EX
london

Xafladdu waxay dhici doontaa maalinta Axadda 26/02/2012, Saacadda 01:00 waqtiga london waxayna dhammaan doontaa 19:00.

Gaadiidka taga goobta xafladda
1. Train: Bakerloo Line, Wembley Central station.

2. Busses: 18, 92, 79, 83, 182

Wixii faahfaahin ah kala soo xariira
Mahad Abdulle, 07946766558

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.