Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo soo gaaray Brussels

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa maanta waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU).

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap ka iyo shirarkii Garowe oo dhammaan ku dhammaaday guul, horseedna u noqday in Soomaalidu ay dhexdooda ka heshiin karaan, iskuna afgaran karaan arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ku jiro Madaxweynaha Midowga Yurub Barosso iyo madax kale. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu kulamo la qaadan doonaa Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub iyo madaxda dalka Belgium.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium si uu ugala hadlo horumarka ballaaran ee dowladdu ka sameysey dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo shirka London ka dhici doono 23ka February.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.