Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo ka Digtay Weeraro Qaraxya ah oo ay ka gaysan Doonto Magaalada Muqdisho

iyo Dowlada Federaalka oo sheegey in ay u Diyaargarowdey ….

Afhayeenka dhinaca Hawl Galada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab oo warbaahinta qaar waraysi siiyay ayaa ka hadlay Falal isku day ah oo maalmihii la soo dhaafay ay isku dayayeen in ay qaraxyo kaga fuliyaan magaalada Muqdisho.Af hayeenka ayaa soo qaatay qarixii ka dhacay Xarunta CID isagoona sheegey in si farsamaysan ay halkaa ku galeen ciidamadooda isla markaana ay ka gaysteen qarax sababay Khasaare Naf iyo Hanti isugu jira isagoona sheegey in halkaa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Boliiska.

Abuu Nuscab ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii wadayaan qaraxyada ay ka gaysanayaan meelaha is goysyada ah ee Magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kalena shacabka Soomaaliyeed ugu yeeray in ay ka fogaadaan meelaha ay damacsan yihiin in hawl galadaas ay ka fuliyaan.af hayeenka ayaa sheegey in ay sii wadayaan Dagaalka ay kala soo hor jeedaan Ciidamada Dawladda iyo kuwa amisom iyagoona kordhinaya weerarada ismiidaaminta ah oo ay ka gaysanayaan Fariisimada Ciidamada Dawladda iyo kuwa amisomba.

Hadalkan af hayeenka ayaa imaanaya xilli labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay Ciidamada ammaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in ay soo qabteen Baabuurv walxaha qaraxa laga soo buuxiyay iyo qaar ka mid ah raggii watay.Hay’adda Nabad sugidda ayaa maalinimadii shalay soo ban dhigtay gaari ka mid ah Gawaarida ay sheegeen in ay ku soo qabteen hawl galadii u danbeeyay oo ay sameeyeen.

Dhinaca Kale Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Cabdisamad Macalin oo waraysi bixiyay ayaa sheegey in Dawladdu ay u diyaar garowdey sidii ay uga hor tegi lahayd isku dayga Xarakada Shabaab ay ku doonayaan in falal Qaraxyo ka sameeyaan Magaladda Muqdisho

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen ciidamo si gaar ah loo taba baray isla markaana ay geeyeen goobaha laga cabsi qabo in ay Xarakada Shabaab ka gaeystaan Falal is qarxin ah isagoona intaa raaciyay in dawladdu si weyn ugu diyaar garowdey arrintaa.Mar uu ka jawaabayay Wasiirka hadalada ka soo yeeraya Xarakada Shabaab oo ay ku sheegayaan in ay qaraxyada sii kordhinayaan ayuu arrintaa ku tilmaamay mid Naf la Caarinima ah isla markaana awoodda Shabaab ee xiligan ay tahay mid diciiftay.

Cabdisamad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay jiraan qorshayaal xukuumadda ay meel marin doonto kaasoo ay ku dooneyso in dalka oo dhan ay gacannta ku dhigto isla markaana ka saarto Xarakada Shabaab.
Wasiirka amniga ee Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa soo qaatay Weeraro qaraxyo oo ay doonayeen Xarakada Shabaab oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku fashiliyeen magaalada Muqdisho isagoona hoosta ka xarriiqay in ay hayaan Raggii qaraxyadaas doonayay in ay fuliyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.