Home » Warar »

Shiikh Maxamed Khalaf Shongole oo Sheegay in Shabaab Maanta uu Haysto Imtixaankii ugu Darnaa

Shongole oo ka mid ah Saraakiisha Xafiiska Dacwada ee Xarakada Shabaab ayaa ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee soo food saaray Xarakada Shabaab.Shiikha ayaa sheegey in Duulaan aan kala sooc lahayn lagu soo qaaday Degaanada ay ka arrimiyaan Al Qaacidada Soomaaliya isla markaana Dagaalkooda ay isku soo gaashaan BahaysteenDawladaha Maraykanka, Itoobiya Kiinya Jabuuti iyo Xoogagga Dawladda.
Dagaalkan ayuu ku sheegey Shongole in uu yahay mid lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Xarakada Shabaab iyo difaacooda Kitaabka Alle iyo kor yeeliddiisa.Sarkaalkan ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa hoosta ka xarriiqay in arrintani ay tahay Imtixaan lana doonayo in Imtixaankaas iyo sidii looga gudbi lahaa la doonayo in loo dul qaato loona dhabar adeego.

Shongole oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dadka haatan ka Guuraya Dhulka Islaamka una guuraya Dhulka ay gaaladu ka taliso ay Diintoodii daciifta isagoona u sheegey in dadkaasi ay ku negaadaan meelaha ay joogaan isla markaana ay ka qayb qaataan Jihaadka la doonayo in lagaga hor tago Gaalada uu sheegey in ay soo duushay.Shiikh Maxamed Khalaf ayaa sheegey in Dagaalkii uusan dhamaan qofkii sidaa u qaatana uu yahay qof habowsan dagaalka ay wadaana uu socon doono Illaa Qiyaamaha isagoona intaa raaciyay in Cirib samidu ay iyagu leeyihiin Jabka iyo baa’ana ay ku danbeyn doonaan Dawladaha duulaanka soo qaaday.

Shongole ayaa Eedeyn kulul u soo jeediyay Ganacstada ku dhaqan magaalada Muqdisho isagoona ku Eedeeyay in ay Taageereen Cadowga oo uu ula jeedayCiidamada dawladda iyo kuwa amisom oo dagaal kula jira Xarakada Shabaab.Sidoo kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay af hayeenka Xarakada Shabaab Cali Dheere oo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay isu diyaariyaan dagaal ay la galaan dawladaha soo duulay.

Hadalka ka soo yeerey Shiikh Fuaad Shangole ayaa ku soo beegmey Xili Deegaanadda loo Barakacay uu ka Bilowdey Qulqulka Dadka ee Soo galaya Magaaladda Muqdisho ka dib markii Deegaanadaas ay ku soo dhawaadeen Dagaaladda U dhaxeeya Xarakadda Alashabaab iyo Ciidamada Amisom oo taagaaraya kuwa Dowladda wuxuu Shiikh Fuaad u soo jeediyey dadkaas in aysan u guurin Muqdisho oo uu sheegey in ay gaalo Haysato islamarkaana dadka lagu dhibaateeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.