Home » Warar »

Shirweynihii Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo lagu soo Gabagabeeyey Xarunta Jaamacada Plasma

Waxaa Xarunta Jaamacadda Plasma ee Magaaladda Muqdisho maanta lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii Sideedaad ee ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed waxaa ka qaybgaley Munaasbadaas Masuuliyiinta iyo Ardeyda Jaamacadda Plasma , Aqoonyahano, Odayaal dhaqameed iyo ardeyda wax ka barata Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur

.

Shirweynahaas ayaa ugu Horeyn waxaa ka Hadley Cumar Cabdisalaam Diiriyey oo Xubin ka ah ururka Indhoolayasha Soomaaliyeed wuxuuna faaffaahin ka bixiyey Qaabkii uu u qabsoomey Shirweynahaas isagoo sheegey in Shirweynaha uu dooretey Xubno cusub oo hagaamin doona waxaana Madax u ah Ustaad Ibraahiim Cabdulaahi Maxamuud , sidoo kale wuxuu u soo jeediyey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in gacan la siiyo dadka Indhoolayasha islamarkaana wuxuu ka dhawaajiyey in Xiligaan dunida dadka indhoolyayaasha ay yihiin kuwa la mid kuwa indhaha qaba.

Waxaa kaloo Munasabadii lagu soo gabagabeynayey Shirweynaha Ururka Indhoolyaasha ka Hadley Ugaas Shiiklh Xuseen Maxamed oo sheegey in Xubnaha Jirka ay u shaqeetayaan sidii Dowladda oo kale Tusaale haddii aad indhabeesho waxaa Howshii wada Wasiirada kale ee jir Baniaadamkl Sida Qalbiga Dhegaha iyo wixii la mid mar waa Dowlad hal wasiir uu ka maqan yahay oo intii kale ay shaqeyneyso wuxuuna u soo jeediyey Shacabka Soomalaiyeed in ay garab istaagaan dadka Indhoolayaasha ah

Sidoo kale waxaa ka Hadley Shirweynahaas Cabdi fitaax Cabdulaahi Yuusuf oo ka socdey Xisbiga Dadka isagoo ka dhawaajiyey in Xisbiga uu gacan siin doono dadka Indhoolyaasha oo uu sheegey in ay u baahan yahay Caawinaad dheeraad wuxuu kale Bulshada wax haysta ugu baaqey in ay il gaar ah ku eegaan dadkaas oo uu sheegey in ay haatan yihiin dad wax qabsan kara islamarkaana ku shaqeyn kara Aaladaha Casriga ee Dunida

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa kaloo ka Hadley shirweynahaas Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Plasma oo iyana halkaa ka balan qaadey in intii karaankooda ay gacan sii doonaan dadka Indhoolayaasha ah gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyadoo Xafladii lagu soo gunaanadayey Shirweynaha ururka Indhoolayaasha Soomaaliyed ay qayb libaax ka qaadatey Jaamacadda Plasma

Intii ay socotey Xafladda ayaa waxaa halkaa Sugaan Gabey ah ka tiriyey Yoonis Cabdisalaan Diiriye oo ka mid ah ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed isagoo Suugaantiisa uu ku Cabairayey sida Bulshada looga baahan yahay in gacan siiyaan dadka Indhoolyayaasha sidoo kale Abwaan Yoonis waxa uu halkaa ku soo bandhigey Riwaayad yar oo iyana ka hadleysey sida Waalidka looga baahanyahay in Caruurtooda si isku mid ah wax u baraan taasoo ay si aad ah ugu riyaaqeen dadkii ka soo qabgaley Shirweynahaas

Gabagabdii Waxaa shirweynaha soo gabagabeeyey Gudoomiyaha Cusub ee ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed Ustaad Ibraahiim Cabdulaahi Maxamuud oo ka hadlay wixii u qabsoomey ururka intii uu jirey I soo sheegey in ay qallab aad u yar oo lagu barto Farta Brail-ka ay soo gaareen hase yeeshee qalabkaas ma Dabooli karo ardey indhoolayasha ee dooneysa in ay wax bartaan si ay ula jaan qaadaan kuwa kale indhaha qaba waxaase dadkii ka qaybgaley Shireweynahaas ay si aad ah ula yaabeen markii Ustaad Ibraahiim uu la soo baxay Computer Lap-Top ah halkaas uu ka galey barnaamijyada ku iirey Computer –ka sidoo kale waxaa ay dadka mar kale ka yaabeen markii uu kiciyey Hotmailkiisa dibna booqdey In-Box-kiis hasey ayaa yaashee Computarda noocaan oo kale ah ee ku shaqeeya Farta Brail-ka ee Dhawaaqa uu la socdo dadka Indhoolyaasha ma haystaan isagoo ugu baaqey Hayadah Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed, Shirkadaha iyo Dowlada in qalabkaan loo keeno dadka Indhoolyayaasha si ay ugu fududaato Waxbrashadooda

Intii uu socdey Shirwqeynaha waxaa Qadka Taleefoonka uga qaybgaley Xoghayaha ururka Indhoolyasha Soomaaliyeed Liibaan Maxamed Cumar oo ugU horeyn u mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Shirweynahaas gaar haan wuxuu u mahadceliyey Jaamacada Plasma oo uu sheegey in la’aanteed uusan qabsoomi lahayn Shirweynaha , sidoo kale wax qadka uga Taleefoonka uga qaybgaley Gudoomiyaha Indhoolyayaasha Maamulka Pundland Xasan Axmed Nuur ahna Xoghayayaha Arrimaha Bulshada ururka Indhoolyayaasha Soomaaliyeed iisagana wuxuu u mahahdceliyey intii isku dubaridey Shirweynaha oo ay ugu horeyso jaamacadda Plasma,wxuuna shirweynahaas ku soo gabagaboobey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.