Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ka kooban Wasiiro ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo shirka Garowe2.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka madax uu horkacayay madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne kuxigeenka Mudane C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiiro Xildhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro badan, wuxuuna R.wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in imaatinkiisu uu la xiriiro shirka maalinta burrito ah laguw ado inuu ka furmo magaalada Garoowe isaga oo ku tilmaamay shir muhiimad gaar ah xambaarsan maadaama looga arrinsanayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur ay ku dhaqanto maadaama ay la qaatay Nidaamka ku dhisan Federaalka.

“Waxaan halkan u imid sidii aan uga qeybgali lahaa shirka Garowe2 oo daba socda shirkii horay halkan uga dhacay, wuxuuna xambaarsan yahay muhiimad gaar ah maadaama looga hadlayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay inuu filayo in shirkani ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in diirada la saari doono dabogalna lagu sameyn doono go’aanadii ka soo baxay shirkii midkan ka horeeyey ee (Garowe Principles), si looga gun gaaro go’aanada iyo balanqaadyadii horey loogu heshiiyay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

—–DHAMAAD—–


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.