Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Sheegay in uu soo Xirmey Al-Baabkii Wada hadal lala galo Xarakada Alshabaab ka dib markii ay ku Biireen Al-Qaacida

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dawaan la hadlayay Boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay Degmada Wadajir kulan loogu magac daray is dhax galka Bulshada ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay maalinimadii shalay ku sheegey in Xukuumaddiisu ay ka guulaysatay dagaalkii ay kula jirtay Xarakada Shabaab.

Madaxweynaha oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysey ayaa ugu horeynba sheegey in muddo dheer dagaal ay kula jireen Xarakada Shabaab isla markaana ay ku guuleysteen in ay ka xoreeyaan goobo fara badan oo ay xarakadaasi hore uga arrimin jirtay.Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in Dagaalka Al qaacidda gacantii ay uga baahnaayeen Beesha caalamka in aysan ka wada helin isagoona Tusaale u soo qaatay Dalka Afgaanistaan iyo Dawladaha kula galay Al Qaacidda.Madaxweynaha ayaa sheegey in uu dhamaaday Rajadii laga qabay wada hadal Nabadeed oo Xarakada Shabaab lala furo maadaama ayuu yiri Shabaab halkii dawladda Soomaaliyeed ay kaga soo biiri lahaayeen ay ku Biireen Ururka Al Qaacidda

Madaxweyne Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in ay laalantay Rajadii wada hadal ee laga sugayay Dhalinyarada Shabaab isagoona intaa raaciyay in wixii maalintaas ka dambeeya inuusan jiri karin wax wada hadal ah oo ay la yeelanayaan Xarakada Shabaab.Shiikh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xagsadaan gacmahana ku qabsadaan Dawladnimada maanta gacanta ugu jirta oo uu sheegey in ay tahay Fursad la soo deristay Umadda Soomaaliyeed isagoona ku Goodiyay in ayan marnaba aqbali doonin in Soomaaliya mar kale Gumaysi la galiyo.

Dhinaca kale Mar uu ka hadlayay Guddoomiyaha Maamulka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida ayuu xarakada Shabaab oo Dagaal uu kala dhaxeeyo Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ugu yeeray in ay ku soo biiraan dawladda isagoona sheegey in dhallinyarada la marin habaabiyay in xukuumaddu diyaar ula tahay sidi ay u dhisi lahayd mustaqbalkooda

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa xarakada Shabaab u sheegey in dagaal ay sii wadaan ayan wax horumar ah ku gaari doonin isla markaana Dagaal inuu wiil ku dhinto mooyee uusan wiil ku dhalan isagoo mar kalena ku celiyay in Xukuumaddi Cafis u fidisey Ragga ka tirsan Shabaabka lana soo dhaweynayo haddii ay ku soo biiraan Dawladda ku Meel Gaarka Soomaaliya.

Ku biiritaanka Xarakadda Alshabaab ee Al Qaacida waxaa welwel weyn ka Muujiyey Dowladda Mareykanka iyadoo sheegety in ku biiritaankaas ay halis ku tahay Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya iyo weliba Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya sidoo kale Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ku biritaankaas ay Batilmaameed u noqon karto Danaha Mareykanka uu ku leeyahay Caalamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.