Xildhibaanada Baarlamanka ee ka soo hor jeeda Guddoomiyanimada Shariif xasan ayaa Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho,kaasoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha ay doorteen Xildhibaanadan Madoobe Nuunoow ayaa si gaar ah waxa ay xildhibaanadu uga hadlayeen Doorka Madaxweynaha Dawladda Fgederaalka Soomaaliya uu ka taagan yahay Khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka.
Madoobe Nuunoow oo halkaa ka hadlay ayaa Eedeyn u soo jeediyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.isagoo Madaxweynaha ku Eedeeyay iyo waliba Ergeyga qaramada Midoobay in labadooduba ay la safan yihiin Shariif xasan isla markaana ay aqoonsan yihiin Xilkii ay hore ugu qaadeen.
Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya inuuu muddo laba Casha gudahooda ah uu Baarlamanka ku hor yimaado, waxayna Xildhibaanada sheegeen in haddii Madaxweynuhu u hoggaansami waayo arrimahan ay u soo jeediyeen isla markaana uu faraha kala bixi waayo Sharci darada uu ku shaqaynayo in ay Xilka ka qaadayaan
Xildhibaanadan ayaa saacado u qabtay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mahiga inuu Dalka isaga baxo ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu dhexdhexaadka noqon waayey Khilaafa u dhaxeeya Baarlamanka Soomaliya ee soo jiitamayey ila Bishii Desember ee Sannadkii tagay
Arrimahan ayaa noqday wax lala yaabo oo aan hore looga baran Xildhibaanadan iyagoo dhinaca kalena Eedeyn u soo jeediyay qaybo ka mid ah Xukuumadda oo ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal ay ku kala fur furayaan Xildhibaanada , sidoo kale Xildhibaanada ayaa uga digay kuwa Lacagaha ku bixinaya kala fur furidda Baarlamanka ee ka tirsan Xukuumadda in ay Faraha kala baxaan haddii kale ay ka qaadayaan Tallaabo sharci ah , sida Darteed Xaaladda Barlamanka ayaa markaan u muuqda mid meel mugddi ah sii galaysa ka Gadaal markii Khilaafkii Baarlamaanka u dhaxeeyay uu haatan ku soo aaday Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumaddisa oo qarka ay u saaran yihiin in iyaguna lugaha ay la soo galaan khilaafka ka taagan Baarlamanka .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Baarlamaanka soomaaliyeed hadii uu u istaago ugu horayn in ay ilaashadaan xuquudooda iyo sharafkooda baarlamaanimo marka xigtana ay usoo jeedsadaan ilaalinta xuquuqda iyo sharafka qanimada iyo midnimada shacabka soomaaliyeed nafsiyan iyo dhul ahaanba bad iyo bari iyo cirba.
Maha in iyagoo dad ah oo dal ah in lagu tunto oo dawlado iyo shisheeye ku tagri falo dalkii somaaliyeed oo dhan dhan walbaba dhan siyaaso dhan dhaqaale iyo dhan sharafba. waxaaba hada halis ah qaranimadeenii taasoo sababta ugu wayni ay tahay kadib markii laba shariif ay shirkii kampala wareejiyeen arimihii siyaaso iyo madaxbanaani ee qaranka soomaaliyeed lahaa taasoo keentay maanta in sidii 1950kii ay isku keen qabsadaan talyaani iyo ingiriis oo hada ku hardamaya arimihii ay hore ugu hardami jireen waana nasiib daro in sidani ay dhacdo.
Labada shariif iyo cabdi wali gaas waxay la socdaan qorshaha talyaaniga taasoo halis wayn ku ah dalkeena.waxaadna aragtaan durba dacaayadaha talyaanigu soo galiyay soomaalida dhexdeeda taasoo ah dagaal dadban oo ingiriis kuwajahan.waxaana meesha ka baxay wax matala dantii iyo aayihii umada soomaaliyeed ay xaqa ulahayd maxaa yeelay shariifyadu waa dhiiban yihiin macno malaha dal iy dad midna ma garanayaan mana fahmi karaan waxa socda waa howlo waaweeyn nimankan ayaana laynoo helay.
gumaysigu markuu ku bahdilayo maqaarsaarkan oo kale ayuu madaxweeyne kaaga dhigaa soomaalidu ma doqonbaa miyaysan fahmayn sidee shariif axmed iyo shariif xasan dal madax uga noqonkaraan!!!!!!?
bal arintaa soomaaliyeey dib isu waydiiya? imisaa soomaali kabaxda rag dawladnimo yaqaan aqoon leh karti leh oo qabiilwalba iyo reer walba iyo jifo walba oo soomaaliyeed ka buuxda maxaa laynoo bahdilyaa kuwani waa aragnaayoo madax ma aha ee? hala fakaro sidaas ayay ilatahay
ASCaleykum madaxweynaha iyo raa’isulwasaaraha ka qaada xukunka aay hayaan markii horeba ummada somaliyeed uma dhiiban mahiga ayaa u dhiibey ninka la yiraa mahiga ka saara wadanka yuusan markale kusoo laaban somaliya waxaa wax lala yaaba ah waxaa maanta maqlaysaa faroole oo ku faanaya mahiga gacantayda ayuu ku jiraa marka waa calool xumo inuu ku naaxo dhaqalihii somaliya marka baarlamaanka waan u hambalyeeynayaa ka dhabeeya go’aankiina scaleykum.