Home » Warar »

Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka oo Walaac weyn ka Muujiyey ku Biiritaanka Xarakada Alshabaab ee Al-Qaacida.

Iyadoo Ururka Al-Qaacida gaar ahaan hogaamiyahooda Ayman Adawahiri uu shaaca ka qaadey in Xarakada Alshabaab ay ku soo biireen Urur Weynaha Alqaacida, sidoo kale Ururka Allshabaab hogaamiyahooda Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa isna dhiniciisa ka xaqiijiyey ku biiritaanka xarakada Alshabaab ee ururka Alqaacida iyadoo taasi jirto ayaa wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska waxay walaac weyn ka muujiyeen ku biiritaankaasi ay alshabaab ay ku biireen Alqaacida.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka oo lagu Magacaabo Victoria Nuland ayaa sheegtay in ku biiritaanka Xarakaada Alshabaab ku biirtay Alqaacida ay tahay halis weyn oo ku soo fool leh wadamada deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo dagaalo qaraar kala dhexeeyaan Xarakada Alshabaab, sidoo kale waxay shaagetey in Ciidamada AMISOM ayaa iyana Qatar weyn kaga imaan kartaa ku biiritaankaasi, hase yeeshee afhayeenku wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka ay gacan siin doonto ciidamada AMISOM.

Walaac la mid ah walaaca Mareykanku muujiyey waxay ka soo yeertey Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in ku biiritaanka Xarakada Alshabaab ee ururka AlQaacida ay tahay mid Qatar ku ah wadamada deriska la ah Soomaaliya iyo waliba beesha Caalamka, wuxuuna intaasi Ingiriisku sii raaciyey “Inkastoo horey labada dhinac uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyey, haddana in ay si toos ah isugu biiraan waa mid halistiisa leh”.

Xarakada Alshabaab ku biiritaankeeda ee Alqaacida waxay ku soo beegantay xili Dowladda Ingiriiska 23-ka bishan ay qabaneyso shir dib u heshiisiin ah oo ay u qabaneyso qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed , hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ku soo kordhineyn arrimaha Soomaaliya oo mudo 21-ka sano uu dagaal ka socday.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.