Home » Warar »

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo maanta booqday dhaawacyada Qaraxii Baar Fatxi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa saaka booqday dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiino kuwaasoo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay labo cisho ka hor Baar Fatxi.

Wasiirada ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha booqashadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Jaahweyn, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cali Nuur Ducaale, Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Daahir Xaaji Geelle iyaga oo mid mid u kormeeray dhaawacyada ku jira qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo arkay dhaawacyada qaar ayaa aad ula yaabay sida ay dadku u gubteen wuxuuna ku tilmaamay arrin musiibo ah oo mudan in la cambaareeyo talaabona laga qaado dhagar qabayaasha falkan kula kacay shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

“Runtii arrintani waa musiibo, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkaana Insha allaahu wey ku naartegayaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhaqaatiirta Isbitaal Madiino uu uu ugu horeeyo Dr. Maxamed Yuusuf oo uu sheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaareeyey kooxda khawaarijta ah ee Al shaaab oo iyadu ku faantay falkan waxash-nimada ah isla markaana sheegatay, wuxuuna ku tilmaamay koox dhiigyo cabyo ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga digay inay guryahooda ka soo maleegaan falalka noocan oo kale ah ama ay gacan siiyaan kooxdaan.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
“Kooxdan insha allah dhowaan waa laga cirib tirayaa dalka, laakiin shacabka Soomaaliyeed waa inay nagu garab ciidamada Amnigana ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu wada shaqeeyaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Gaas oo ugu dambeyntiina u duceeyey in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah Alle bogsiiyo dowladda Soomaaliyeedna ay wixii karaankeeda ah garab siin doonto dadkan dhaawaca ah.

—-Dhamaad—-


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.