Home » Warar »

Ururka Midowga Yurub oo ku Hanjabay in ay Joojinayaan Dhaqaalaha ay siiyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya

Ergeyga Midowga Yusub oo dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay Xaaladda Soomaaliya uu ku soo arkay mudadii uu booqanayay magaalada Muqdisho iyo kulamadii uu la yeeshey Madaxda Sare ee Dowladda .

Alexander Randos oo ah Ergayga Midowga yurub ee Geeska Afrika oo la hadlayay wakaaladaha wararka ee Caalamka xilli uu ku sugnaa Magaalada Nayroobi ayaa sheegey in Somaaliya dhinaca Milatery ahaan uu jiro qaddar horumar ah balse dhinaca siyaasadda ay ka liidato taasoo wax horumar aan laga samayn.

Mr Alexander Randos ayaa ugu baaqay dawladda ku meel gaarka in ay la timaado is bedel muuqda haddii taa la waayana uu Midowga Yurub joojin doono Dhaqaalaha uu ku bixiyo Soomaaliya ee lagu hormariyo Mashaariiicda dhinaca soo celinta kaabayashii Dhaqaalaha iyo Dhinaca Ciidamada .

Alexander ayaa yiri “ma aha in Gacamahayagu iska fidsanaadaan dhaqaalahana aan sidaa ku bixino haddii aanay dawladdu is bedel ka sameyneyn dhinaca Siyaasadda gaar ahaana wax ka bedelka hanaanka kala guurka wadanka, Dastuurka iyo yareyna Baarlamanka .

Mr Randoos ayaa ugu baaqay Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya in ay la timaaddo wax qabad muuqda isla markaana laga gudbo Xaaladda iminka dalka ka jirta.Midowga Yurub ayaa ku bixiyay Soomaaliya Adduun Lacageed oo dhan Hal Milyan oo Doolar marka laga soo bilaabo sanadkii 2008dii lacagahaasoo ay ku baxeen mushaaraadka Ciidamada Amisom. Tababarka Ciidamada ammaanka.

Hadalka ka soo yeerey Midowga Yurub ayaa noqonaya markii u horeeysey ee aY ku hanjabaan inuu jarayo Dhaqaalaha la siinayo Soomaaliya haddii aan wax laga qaban arrimaha ay soo jeediyeen sidoo kale Dowladda ka tirsan Midowga yurub ayaa hore u sheegey in Dowladda Federaalka uu dhexdeeda ka jiro Masuqmaasuq aad u baahsan..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Midowga Yurub oo ku Hanjabay in ay Joojinayaan Dhaqaalaha ay siiyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya "

  1. nadiir says:

    asalaamu Calaykum

    adeer joojista awalba ixsaan idinkama ahayne…. waxaa cajiib ah dad aan dantaada ka shaqaynayni haddana kuugu han jabaya haddaadan igu taageerin danta aan kaa leeyahay sidaasaan yeelayaaa… dee yeel

    adeeroow na daaya lacagtiina goosta…. hayádihiina la baxa …. laakiin shardhi faraha nagala baxa… haddii kale inta Nairobi noo fariisataan hadba cadaqaate muuqaalka annaga ka ah… hoostana idinka ka ah noo daba fariista

    adeer waxa dalkeena ka jira Soomaali ma dooran shariif iyo kuwii ka horeeyay soomaali ma darooran shabaab iyo cidda soo dirsatayna Soomaali ma dooran …

    labadiinnuba mana dayn kartaan…. annaga danaheenna naqaanee ??????

    Aad baan ula yaabahay ninkaan horta yaa u dirsaday hawsha uu hayo? yaa ka codsaday dhaqaalaha uu ku hanjabayo joojintiisa?
    Yuu siiyaa dhaqaalahaas?

    suáasha ugu ee aan is waydiinayo waxay tahay Soomaaliyeey!!! Xoolaha joojintooda Soomaalida loogu hanjabayo ma dayn bay nagu tahay?????