Home » Warar »

Hayadaha HARO iyo WAMY oo Weli wada Gargaarkii ay Gaarsiinayeen Dadka Barakacayaasha ah

Iyadoo weli ay ka sii socdaan Muqdisho iyo qaar ka mid Gobolada Soomaaliya Gargaarka la gaarsiinayo Dadka Barakacayaasha ah ayaa Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa gargaar noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo kun nool Degmada Xamar Jajbab kuna jira Laba Kaam

Laba Xero Barkacayaal ay ku jiraan oo lagu kala magacaabo Barwaaqo iyo Daamey ayaa waxaa Deeq raashin ah la siiyey Qoysas Tiradooda aad u badan tahay Xerada Barwaaqo waxaa la siiyey Kun iyo Boqol (1100 ) Qoys sidoo kale Xerada Daamey waxaa la siiyey Kun iyo Boqol (1100) Qoys Guud ahaan Tirada waxay isku noqoneysaa Laba Kun iyo Laba Boqol (2200) oo Qoys waxaana qoys kasta la siiyey 25 Bur ah , 25 kiilo oo Bariis ah 10 kiilo Sonkor ah iyo laba Caag oo Saliid ah Waxaana Qaybinta Deeqdaan Gargaar ay u dhacdey sidii loogu talagaley ka dib markii la gaarsiiyey Dadkii u baahnaa

Masuuliyiin ka tirsan Hayada WAMY oo la Hadley dadkii Deeqdaas la siiyey ayaa sheegey Hayadooda ay bixisey Kharashka Deeqdaas islamarkaana waxay sheegeen Qaybinta Gargaarkaas ay u Xil saareen Hayadaha HARO oo ay sheegeen in Qaybintooda ay si aad ah ugu qanceen islamarkaana Wakiiladoodu yihiin kuwi firfircoon oo si weyn uga warqaba dadka u baahan Gargaarka

dadkii la siiyey ayaa u mahadceliyey Hay’addaha HARO iyo WAMY , waxayna ka codsadeen mas’uuliyiinta Hay’addaha in ay halkaasi ka sii wadaan gargaarka ay gaarsiinayaan dadka Baahan islamarkaana ay il gaar ah ku eegaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay Abaaraha iyo Colaadaha.ee ku sugan Soomaaliya , Gargaarkaan la qaybiyey ayaa Noqonayaa kii ugu balaarnaa ee ay Hayadda Haro ka qaybisa Magaaladda Muqdisho Tadodobaadkii ugu Dambeeyey waxayna Masuulinta Hayadu sheegeen in ay kuwa kale qaybin doonaan.

Hay’adda HARO oo sannooyinkaan dambe hawlo dhinaca Biniaadanimada ah ka waday Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa waxay qayb libaax leh ka qaadatay sidii ay raashin gargaar u gaarsiin lahayd dadkii dhawaan ay dhibaatadu ka soo gaartay Abaarihii ku dhiftay koonfurta Soomaaliya iyo kuwa ku waxyeeloobey Colaadaha waana Hayad la dhihi karo waxay il gaar ku eegeysaa dadka weli u baahan Gargaarka ee ku jira Xerooyinka Barkacayaasha ee ku yaal Muqdisho iyo Gobolada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.