Home » Warar »

Kulan Dhexmarey Odoyaasha Magaaladda Beledweyne iyo Ciidamada Itoobiya oo Fashil ku dhamaadey ka dib..

Iyadoo weli Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiraan ay Ciidamadda Itoobiya Ku hayaan Bandow aan hore loogu arag Magaaladaas ayaa haddana wararka ka imaanaya Magaaladaas waxay sheegayaan in Ciidamadda Itoobiya ay Shuruud ku xireen ka qaadista Bandowga Magaaladaas waxaana hadalkaan ka saoo yeerey Ciidamadda Itoobiya uu shaaca ka qaadey Sarkaal la Hadley Warbaahinta Magaaladda Beled weyne ka dib markii uu la kulmey Odoyaasha Magaaladda

Sarkaalka ayaa sheegey in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan daafaha Magaalada aysan hesysan Biya nadiif sidaa darteed ay ku qasban yihiin in Biyo Nadiif ah u soo doontaan Mgaaladda Gudaheed marka waxaa uu Codsady in ay helaan Baraagado ay biyo ku shabteen si ay u yaraadaan soo gelitaanka magaaladda Haee yeeshee Odoyaasha ayaa sheegey in ay ku adag tahay in ay sameeyaan Baraagado iyadoo kulankii dhexmarey labadda Dhinac ay ku kala dareereen maanta ayaa la filaya in mar kale la iskugu yimaado si loo ambaqaado sidii Magaaladda Bandow looga saari lahaa

Masuul;iyiinta Xarakadda Alshabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegaan in inta askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya uu ku sugan yahay Magaaladda Beledweyne aysan marnaba joojin doonin weerarada ay ku hayaan Ciidamadda Itoobiya ee isku jira qaraxyada iyo Weerarada

Habeenkiki xaley ahaa ayaa Ciidamo ka tirsan Xarakadda ay shabaab waxay weerareen Garoonka Ugaas Khaliif ee ku yaala Duleedka Magaaladda waxaana weerarkaa uu socdey Muddo Saacado ah iyadoo Xarakadda ALshabaab ay sheegaan in ay Khasaaro gaarsiiyeen Ciidamaddii itoobiya ee ku sugnaa garoonkaas islamarkaan ay ka burburiyeen gawaari taalkey garoonka

Markii uu dhacay weerarkaas ayaa Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaaladaas waxay bilaabeen Saakey in ay qabqabtaan dhowr qofood kuwaas oo la sheegey in ay ula dhaqaaqeen dhinaca Xarunta Gobolka iyadoo dad hore loogu xirey Halkaa ay Ciidamadda Itoobiya ay dileen qaar kalena meydadkooda laga heley Wabiga dhexmara Magaalada Beledweyne iyadoo dadweynaha Magaaladaas ay hadda bilaabeen in ay ka cararaan Guryahooda si ay uga nabadgalaan Bandowga iyo Dagaaladda ka socda Magaaladda

Bandowga laga qaado dadka ku nool Magaaladda Beledweyne ka dib markii muddo bil ah Magaaladaa Ciidamada Itoobiya ku hayeen Bandow aad u adag iyadoo dadka ku nool Magaaladaas ay yihiin kuwo kuxiran waxaana saakey mar kale magaalada a

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.