Home » Warar »

Shirkii ICG oo lagu soo gabogabeeyey Djibouti

Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab, Waxaa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay Shirka London ee 23 February 2012 oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.

Fadlan lifaaqa waa khudbadii uu Ra’iisul Wasaarha ka jeediyey xiritaankii shirka iyo sawiro.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
Tel: +253783542 – Djibouti
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.