Home » Maqaallo »

Toogo iyo tab-kac – Maqaal Caydaruus C. Keenadiid

Astaynta Puntland ma ahayn ban-ka-ood, caadifad iyo laab-la-kac ku timid, balse waxay ahayd baahi, qaddiyad, rabitaan iyo masiir ay bulshadu toogeysatey.

Inkastoo ay 13 sano jirsatey bilana uba dheer yihiin, haddana tabargal waa noqon weydey, inay hanaqaaddana lagala caalwaa.

Dhammaan, iyadoo aanba la kala soocin maamuladii daadihinta Puntland lagu aaminey waa ku fashilmeen inay tubtii dimoqraaddiyadda, maamul-wanaagga iyo caddaaladda u saan-qaadaan, waxay ka badin waayeen toogadii oo tab-kac loo beddelo.

Halkii looga fadhiyey horumar dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, maciishadda iyo nabadgelyada, waxayba arrini ku soo ururtay in cagta loo saaran yahay isbeddel ku dhaca juqraafigii siyaasadeed ee Puntland.

Waayaha ay Puntland marayso iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee maalmahaan loo
tafa-xeytey ma aha kuwa rajo, yididiilo iyo soo-rayn ishaaraya ama xambaarsan.

Waxa ay Puntland galabsatay ama loogu dowgalay weli loo ma duurxulin fartana si dhab ah loogu ma fiiqin.

U ma qalin qaadan inaan qormadaan uga faalloodo saha la joogo, faaqidaad iyo gudagalna ku sameeyo xaaladaha Puntland ilaa iyo astaynteedi laasumay, waxaa arrintaas iiga filan nuxurka dood odayaal wax tebeya dhexmartay:
• S. maxaa dabray oo Puntland inay saan-qaaddo u diidey
• J. kasmo siyaasadeed oo laga qatan yahay,damac aan gar ahayn iyo maalin-tirsi
• S. markii ay muddo xil-hayni gabaabsi noqotaba maxaa gedo cusub, xeelado iyo
amarti loo la yimaadaa
• J. malaha waxaaba la istusay oo maanka la gashaday in shacabku yahay warqad
cad oo wixii lagu qoraa ay ku qormayaan
• S. juqraafiga siyaasadeed ee la hadal-hayaa muxuu yahay
• J. tigimadii bey qaybi maqan tahay
• S. arrinka yaa ku maqan, mase loo helayaa tabo lagu mareeyo
• J. waxaa codkoodi la waayey aqoon-yahannadii culuumta bulshada iyo
siyaasadda kasmada iyo waayo-aragnimada u lahaa
. waxaa gaabsaday oo aamus doorbiday suugaan-yahannadii curinta iyo tirinta
maansada ku xeeldheeraaa
waxaa faq iyo hoos-u-hadal ku negaadey culimaa’udiinkii milladdeena
suubban buuniga ku ahayd
waxaa la careeyey oo eryba laga waayey odayaashii dhaqanka ee loo irkan jirey
idilkoodba maqaawiirtii waxaa ka soo haray dhaygag iyo dhabanno-hays

Caydaruus C. Keenadiid
La xiriir aokenadid emailkaas at yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.