Home » Warar »

Shacabka Muqdisho oo Aragtiyo kala Duwan ka bixiyey Shirka London kuna Tilmaamey Madaxii oo Majo loo Rogey

Waxaa la filayaa in 23-ka bishan Febraayo 2012 Magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo shir la sheegay in loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaasi ka qaybgalaya dadkii saxiixay heshiisyadii Muqdisho iyo Garoowe ee kala ah Dowladda Federaalka oo ay kala matalayeen Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/wali Cali Gaas, sidoo kale waxaa ka qaybgalaya Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

Waxaana aragtiyo ka soo uruurinay dadka ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan sida ay u arkaan shirka London ka furmaya:

Prof. Ismaaciil Cali Muumin ayaa yiri “Ma xuma in la qabto shir dib u heshiisineed, hase yeeshee waxaa is weydiin mudan waxa xiligaan ku soo beegey in Ingiriisku yiraahdo shir dib u heshiisiin ah ayaan u qabanayaan shacabka Soomaaliyeed, muxuu shacabka Soomaaliyeed ugu fiirsaday 20-kii sano la soo dhaafay dhibaatadii ay ku jireen, marka anigu waxaan u arkaan shir dano gaar ah laga leeyahay, sidoo kale waxaan la yaabanahay in dadkii Soomaaliyeed oo dhan laga soo xulay kuwii saxiixay shirarkii Muqdisho iyo Garoowe, marka waxaan u arkaa in uu yahay shir lagu kala sii qaybinayo ummadda Soomaaliyeed”, wuxuu kaloo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in aysan fiirin ka qaybgalka shirka London balse ay fiiriyaan shirka London waxa uu bulshada soomaaliyeed ku soo kordhin karo.

Xuseen Cali Khaliif oo isna ka mid ah bulshada Muqdisho ayaa isaga oo aragtidiisa dhiibanaya wuxu yiri “Soomaaliya waxaa loo soo qabtay shirar fara badan, shiararkaai wax natiijo ah lagama gaarin oo aan ka aheyn burbur iyo barakac, marka kan London kuwaas kama duwanaan doono waayo waxaa la doonayaa in Soomaaliya gobal gobal loo qaybiyo kadibna la gumeysto, inkastoo wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska uu ku celceliyey in shirku yahay mid Soomaaliya ay leedahay , isla markaana Ingiriisku uu soo jeestay xiligaan in uu Soomaaliya kala qaybqaato sidii ay nabad u heli lahayd”.

Wuxuu intaa sii raaciyey “waxaan maqlay in Dowladaha Qatar iyo Sucuudiga ay bixinayaan qarashka lagu bixi doono shirkaasi, kadib markii wadamadaasi uu booqday mas’uul ka tirsan Dowladda Ingiriiska, waxayna dowladahaasi ka mid yihiin dowladaha loo soo maro burburka iyo baaba’a ummadda Soomaaliyeed, waxay fiirsanayeen malaayiin qofood oo 20-kii sano dibaatoonayey, waayo waxay noqdeen kuwa isteerinka loo hayo oo hadba dhinicii la doono loo leexiyo, waxaa horey reer Galbeed u amreen in hay’adahoodii taakuleynayay agoonta ee Soomaaliya joogay ay albaabada u laabaan, markii ay reer galbeedku dib u soo laabteen waxay bilaabanayaan in ay gacan siiyaan shacabka, marka waxaa la dhihi karaa waa dowlado daba dhilif u aha reer galbeedka”.

Waxaa magaalada Jabuuti shalay ka furmay shir loogu googol xaarayo shirka London waxaan ka qaybgalaya intii saxiixay heshiiskii Muqdisho iyo Garoowe , weli waxaa layska indha tirayaan halka loo mari karo xalka Soomaaliya, waayo dalka waxaa ka socda dagaalo,dadka wada dagaaladaasi miyaan loogu yeereyn shirkaasi haba diidaan haddii doonaan, waxay u muuqdaan in weli layska indha tirayo xaqiiqda jirta iyo meesha xalka Soomaaliya ku jiro, shirkaan oo kale waxay soomaalidu ku tilmaamntaa (waa Madixii oo Majo loo rogay) Ingiriiskana waxay ka tahay “Anna Hadaan Kooyey”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shacabka Muqdisho oo Aragtiyo kala Duwan ka bixiyey Shirka London kuna Tilmaamey Madaxii oo Majo loo Rogey "

  1. warsame says:

    Waxay ilatahay in shirkaan LONDON loogu yeeray soomaalida aynu fahano macnihiisa oo sicad u qeexno.si aan shirka u fahano macnihiisa si fudud waa in aan suaalahan ufiirsanaa oo is waydiinaa.

    1.Ingiriis waa dawlad dawladi markay dalkale xiriir kasamaysanayso yay udanaynaysaa?

    Waxay ilatahay waxay u danaynaysaa danta dalkeeda iyo dadkeeda uugu jira xiriirkaa shisheeye. markaa ingiriis dadkiisu wax udonayaa iyo dalkiisa.

    2.Mahaysanaa oo maleenahay soomaalia ahaan madax ina matasha oo utaagan danta shacabka soomaaliyeed iyo dalkeena?
    Waxaan hubaa in aysan jirin madax tusaale sida madaxweeynaha shariif ahmed in aysan utaagnayn oo aysan matalaynin dhab ahaan danta shacabka soomaaliyeed iyo dalkaba.

    Hadaba ceeb maha in dalal kulmaan la shiro laga hadlo amaan,dhaqaale,hormar iyo iskaashi waa arin caalamka dawladaha jiraa isu baahan yihiin. laakiin waxaa iswaydiin leh waxa danta u ah shacabka soomaaliyeed iyo dalka soomaaliyeed yaa inoogu sheegi INGIRIIS iyo caalamka kalaba? dhanka kale wixii aan dan noo ahayn shacab ahaan iyo dal aahaanba yaa na difaaci oo inoo sheegi in waxaasi dani noogi jirin oo diidi?

    Arimahan ayaa muhiim ah in lahelo hadaba shacabka soomaaliyeed ma waxaa jirta madax ay aamin sanyihiin oo ay kukalsoon yihiin oo danaha soomaaliyeed difaacaysa? jawaabtu waa maya majirto kalsooni.

    Haday sidan tahay markaa maxaa keenaya in madaxda soomaaliyeed ayagoo leh waxaan matalaynaa dadka soomaaliyeed iyo dalkaba ay utagayaan shir ay wataan dawlad dhab u matalaysa shacabkooda iyo dalkooda oo kalsooni haysta?

    Hadaba waxaad ogaataan soomaalida shirka tagaysaa way is ogyihiin inaysan soomaali matalin way is ogyihiin inaysan wax dan dalkooda ah ka hadli karin way is ogyihiin in aysan fikir INGIRIIS wata diidi karin,balse waxay rabaan inay u camiraan taladaa INGIRIIS keenay oo utusaan caalmaka kale inay raali ku yihiin arinkaan taasoo INGIRIIS u ah fursad ah waxan haduu xun yahay iyo haduu fiican yahayba soomaalidaa rabta oo caalamka sidaa lagu qanciyo, marka iyagu caalmka ayay kadifaacayaan in aan INGIRIIS la arag waxa uu wado isagay kaalmaynayaan sidaas ayay utagayaan.waxa uugu wayn ee ay ka helayaana waa lacag yar iyo adaa ka fiican reer hebal adaan ku rabnaa!! waa intaa.

    Hadaba waxaa yaableh shacabka soomaaliyeed ee ka dhiidhiyi la niman magacooda ku qaraabanaya oo aan danta dalka iyo dadkaba ka hadlaynin ee shisheeye kaalmaynaya in lasii dhawrto ayaa dadnimo xumo ah ceebna ku ah shacabka soomaaliyeed.

    Xasuus hadaynu nahay shacabka soomaaliyeed waa lahelaa qof qof dhif ah oo soomaali ah oo wadani ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisa oo leh diin,iimaan iyo damiir shaqsiyadeed. waxaa kamid ah oo ina soomaray 22 sanadood ee aan burbursanahay RAYSUL WASAARE FARMAAJO. waxa uu ahaa nin dhalin yaro ah dalkiisa aan hore dabi uuga galin aqoon leh aan baahi haynin oo amerika ku haystay shaqo wanaagsan masuul ah oo leh xaas iyo caruur.

    waxa uu iska diiday in uu amar ka qaato shaqaale haydaha UN ufadhiya nairobi oo soomaalida magacooda ku cuna malaayiin lacagood oo aan soo dhaafin nairobi waxa uu amray inay soo galaan mogdisho oo ay yimaadeen meelaha amaankooda amisom iska daa soomaaliyee aysugayaan oo wardiyaynayaan mogdisho soo gala ayuu yiri hadaad soomaali wax u qabanaysaan. aduunkana warqad buu uqoray in haydahaas nairobi fadhiyaa ku cunaan xoolaha soomaaliya kenya oo aysan soomaaliya waxba soo gaarsiinin. waana la aqbalay fikirkaas laakiin waxaa hay adihii ka shaqeeyeen in ninkaan laga cayriyo shaqada. waxa uu ku adkaystay in uu masuul kayahay dalkiisa iyo dadkiisa oo raysal wasaare u yahay wax loo yeerayayna aanu qaadanayn oo aan dani haba yaraatee uugu jirin dalkiisa. waa lamari waayay waxa uuna ka doortay in shaqda laga cayriyo taasoo ay ka hiilisay soomaalidu oo garab istaagi wayday waxaa ka hiiliyay madaxwaynihii dhamaa,afhayeenkii baarlamanka,iyo baarlamaankii oo wax farmaajo garab istaaga ayaa la waayay.

    Shacabka ayaa xamar usoo baxay oo ficil muujiyay waana mahad sanyihiin balse dhibaa yimid markiiba madaxwaynahaa yiri talaayeey markiiba shacabkii waa isbadalay oo ka horyimid farmaajo oo waxay yiraahdeen dadka farmaajo lacag buu siiyay soo banaanbaxay.

    Hadaynu nahay shacabkii soomaaliyeed ninka gaalada iyo shisheeyaha inaga celinaya ee ina matalaya hadaynaan naf iyo maal la garab istaagin kaligii sidaa farmaajo ayaa laga adkaan. kuwan kale ee soo haray hada danta shisheeye ayay taageero u yihiin oo shirarkay u camirayaan si shisheeyaha danihiisu u hirgalaan maha dad inamatala markaa yay naa u arkin in soomaali ka qayb galayso shirka INGIRIIS inoogu yeeray u fahama dad utagaya in ay caawiyaan INGIRIIS oo kaliya.

    Hadii ay naan yeelan madax aan ku aamino dalka iyo dadka shisheeyaa ina maamulan markaa waa inaan iska qabanaa hogaamiyaha liita oo daciifka ah ee aan ku dhici karin in uu qaranimadeena iyo madax banaanideena ilaaliyo. xasuusta markii mahiiga ku yiri farmaajo waa nin islawayn!! wuu yaabay mahiige waxa uu arki jiray daba dhilif nacamle ah oo uu wax u yeeriyo waxa uu arkay nin ku faanaya dadkiisa iyo dalkiisa oo haybad leh wuuba yaabay.

    Farmaajo shacab uhiiliya ayuu waayay markaa nin ninka kaliya ee inaga soo dhexbaxa ee wadaniga ah yaynaa iska dayicin hogaan baan rabnaa namatalikari soomaaliyeey oo markuu shir dawlad kale la galo aynu ku iimaan qabno ku kalsoonahay markii laysku dhacana aan garab istaagno uu u hiilino markaa cadawgu wuu jabayaa markuu wanaag keenana aan ku raacno sidaas ayaa la rabaa. marka shirka hada LONDON cid danteenii inoo matasha oo wixii shara diida wixii wanaag ahna inoo qaada majirto waa sidaas xaalkeenu kamana baxayno ilaa aan saxno hogaanka dalka.