Home » Warar »

Mudaharaad looga soo horjeedo qaadka oo ka dhici doona London ee dalka Ingariiska

Ogeysiis: Waxaa si sharaf iyo xurmadi ku dheehan tahay loo ogeysiinayaa dhamaan umada soomaaliyeed eek u nool dalkan ingariiska inuu maalinimada Arabacada ee taariikhdu tahay-15/02/2012 u dhici doono mudaharaad aad u balaaran oo looga soo horjeedo qaadka,

Kaasoo ka dhici doona kazoo horjeedka aqalka looga taliyo dalkan ingariiska ee loo yaqaano-Number 10 downs street.

Hadaba waa fursad mudo dheer la sugayey eek u aadan sidii keenista qaadka looga cirib tiri lahaa dalkan ingariiska oo qaarada yurub keligi uu uga harey cunida iyo ka ganacsiga qaadku,taasoo dalka Holland-na uu u qabtay inuu joojiyo cunida iyo ka ganacsiga qaadka dhamaadka bisha meey ee sanadkan.

Mudaharaadka balaaran oo ka dhici doona kazoo horjeedka aqalka looga taliyo dalkan ingariiska ee number-10 downs street,waa dalabaad ka yimid dawlada ingariiska oo ay ku eegayso jaalliyada soomaaliyeed eek u dhaqan dalkan ingariiska sida ay uga go,an tahay la dagaalanka cunida iyo ka ganacsiga qaadka ee dalkan ingariiska.

Hadaba waa maalin waxbarashada iyo schoolaadku ay yahiin maalin fasax lagu jiro eh kazoo qayb gal mudaharaadkaas balaaran codkaagana ku taageer sidii qaadka looga mamnuuci lahaa dalkan ingariiska,,

Muuqaalkan ka turjumaya maalintaas mudaharaadku dhacayo ka dheeho linkigan hoose,

Adr—Number-10 Downs street

Central London/Uk

Taariikhdu- Arbaco-15/02/2012

By-Durraan shirwac

Emmail: durta21@hotmail.com

London/Uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.