Home » Faallo »

Dowladda Soomaaliyeed Waa inay la Heshiisaa Urur-ka Al-shabaab

Waxaa laga yaabaa marka kalmadaas la yiraahdo inay u muuqanayso arin si kale u dhisan ama falsagaysan amaba dadka qaar ay u tarjuman karaan aragti ku xiran shabaab, ama u dhow inay wax la qabanayso, sida ay u haystaan ama ay aamini karaan Soomaali badan ama Ajaanib fara badan intuba.

Inkastoo ay taasi jiri karto, haddana wax dhici karo maaha in wax kastaba sida laga aaminsan yahay uun u ekaadaan, ee waa inay jirtaa aragti kale duwan oo macquul u noqon karta inay dhacdo heshiis dhex mara Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, laakiin waa Shuruuda ugu horaysa inay halista dalka in laga saaro ka wada go’an tahay.

Markaan eego urur-kii naloo sheegay inuu ugu halis badan yahay dunida ee Taalibaan iyo heerka uu taagnaa sanado badan oo aynu soo dhaafnay, iyo heerka manta uu joogo waa kala duwan yahay. Media-yaha reer galbeedku waxay dhagaha dadka ku gurayaan beryahan dambe, in ay mudan tahay in Ururka Taalibaan lala heshiiyo, waxay u aqoonsan yihiin inuu yahay urur macquul ah loo muddan in waan waan lala galo, kadib dhimasho. Burbur iyo awood military ka dib, markaa maxaa diiday inaynu heshiis ka qaadano oo hor istaagaya.

Markaan saas leeyahay waxaan eegayaa macluumaadka faraha badan ee xaqiijinaya soomaalida halka ay ku socoto iyo dalkii meesha uu lugaha la sii galayo, ayadoo loo sababaynayo dhibaatadda ka jirta dalka ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliyeed iyo Urur-ka Al-shabaab. Manta waxaan joognaa meesha ugu halisan, oo hadii shabaab uu dagaalamana uusan waxba ka galayn, hadii ay dowladda is balaarisana aysan waxba ka galayn, waayo wakhita ayaanba ku samineyn labaduba. Waxaan joognaa meel go’aankeeni si toos ah gacanta qofka Soomaaliga ah iga sii baxayo, waxaan arkaynaa in la leeyahay arinta oo dhan gacanta Soomaalida ha laga saaro, anagoo indha ku hayna ayaa la leyahay waa in Soomaalida 1 sanod oo Gumeysi Taaqili ah la galiyo, waxaa la leeyahay dadka maamulaya Ajaanib ha noqdeen iyo xoogaa yar oo Soomaali ah, waxaan arkaynaa in dowladdan wixii ka dambeeya aysan jiri doono dowladda madax banaan oo soomaalida wax la qaban karta.Si cadaan ah qofkasta oo wax garta ama caqli illaahay siiyey ayuu u arkayaa, Walaahi aanan waxba laysu qarin oo si toos ah ayaa la isugu sheegey, ninkaan ogeynoow hadda garo, War maqaal lagu qoray maahee Saameyntiisa waxay ku taaban doontaa 21 Augusto 2012 wixii ka dambeeya.

Markaad aqriso macluumaadka shirka London laga baahniyo, ee soo gaaraya meelaha qaarkood oo waliba qaarkood ay internet-ka ku qoreen oo waadixa iska ah, maxaa inoo haray oo aan doonaynaa inaan kaashano.

Caqliga waa inay ka shaqeeyaan Al-shabaab iyo dowladdu, waa in war diblomaasiyadeed uu ka dhawaaqaa meesha, waa in ay arintu sida hadda ay ku socoto wax weyn laga badalaa, waa in dhawaaqa heshiiska iyo wada hadalka uu biloowdaa intaan la gaarain 23 bisha Febraayo 2012, ee ay ka hartay dhowka Cisho. Walaahi hadii aysan taasi dhicin waqtigaas ka hore, waxaysan labadooduba u awood helayn ayey faraha la geli doonaan.

Dowaldda waxaan leeyahay.:
Muddane madaxweyne, muddane Ra’iizul wasaare, Muddna guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliyeed, Muddayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed, dhamaan manta doorkii ugu mudnaa ayaa la joogaa, waa samatabixintii dalka, waa xiligii nafta loo hurayey, walaahi wax dhiman oo aad sugeysaan ma jiro, wax aad qaban kartaana ma jiro haddii la gaaro xiliga shirka London uu furmi doono, xiligaas wixii ka dambeeya tala iyo waxad sheegtaan cirbad caaradeeda ka socon maayaan.

Waxaad ogaataan in Illaahay idin ciqaabi doono haddii taladda aad sheeganaysaa ay ku dhamaanto inaad dalka Gumeysi u gacan galisaan, qabriga waxbaa idin yaala, inta dhimatay iyo inta Gumeysiga u gacan gashay, ee uu dilka iyo Kufsigaba u gaystay. Christian-ka dalka imaan doono Mission-ka dalka ku soo socda ee ummadda baahideeda looga faa’iideysan doono ee diinta looga saari dono, dhamaan intaas oo dhan adinkaa mas’uul ka ah, haddaadan manta aragti kale la imaanin walaahi baan ku dhaartaye, aduun iyo aaqiro waa hoog iyo lama arag.

Waa aragnaa meesha ay wax ku socdaan, caqligana waa na siinayaa in waxaad hadda ku jirtaan uusan maslaxad ahayn, ummaddana u ahayn, waxaan idin leeyahay aduunka halala kaashado. Manta dowladihii aan caqaalaadka lahayn oo na difaaci lahaa waxaa ugu horeeyey Masar, waana aragnaa meeshay joogto, carab waji walaalnimo horaan uga weynay, Ciraaq ciiddaa lagu daray, wax kaliya ee manta meesha jooga waa Turkey asaguna eedo fara badan ayaa ku socda qas xoog bandanna waa haystaa, Paakistaan waan aragnaa waxa haysta, Iiraan haba sheegin, waryaan isleeyahay wax ha nala qabteen, dhamaan dunida islaamka ma cid noo gurman kartaa jirta,. Walaahi maya, walaahi hadii aan mar xariga soo socda aan lugaha la galno inaysan waxba ka soconayn, Waa Boqolsanod iyo ka badan oo hadda soosocta Gumeysi ha lagu jiro, waa hadimo iyo ayaan daro Cusub oo nala sii dheeraatay, oo aan wanaag looga aayi doonin.

Waxaa nala leeyahay 1 sano ayaa daaqili lagu haynayaa soomaaliya, mataasaa wax caliga benu aadamka galaya ah. Nimankan galbeed oo ciidamo Afrikaan ah kuu haysta, oo dhaqaalaha dalka ay kala baxaan doonaya inay ku biilaan, ee haddana danaha ay leeyihiin Soomaali oo dhan wada og tahay, cidda naga dulqaadayso yey tahay hadiiba ay dhacdo taasi, War ma Itoobiya iyo Kenya ayaa doonaya inay Caano iyo malab na siiyaan, War caqligaas inteen kala nimid, Ma awoowasheeneen waxay noo sheegeen ayaa khalad ah, ma dhiigoodii baan ku dhaadanay? Sidee wax naga nodeen?

U fiirso hab ka ay wax u dhacayaan, Ciidanka Xabashida, manta cid is hortaagaysa oo doonaysa inay la dagaalamaan ma jirto, ciidamada Afrikaanka ah waa la soo badinayaa Al-shabaab darteed, Kuwa Kenya waa kuwa Shacabka reer miyiga ah ku laynaya dhulkoodii oo meelay ka aadaan lahayn, buuqa iyo is riixa fara badan ee dowladda ka dhaxeeya oo meelo aan loo baahnayn gaaray, kaasoo illowsiiyey halista dalka uu ku jiro, waxaasoo dhan fursad weyn oo Gool aan ciddina joogin oo kubad lagu laaday ayey u yihiin farsamadda Gumeysigu doonayo manta. Ninkasta oo manta ka qayb qaata gacan galinta dalka farsamadda Cusub ee Gumeysiga, wuxuu ku aaya beeli doonaa, aduun iyo aaqiyo, Balanna waxaa ah inay ayaga gacantooda ku dili doonaan, oo waliba ay si silic ah u dili doonaan, siddii Sadaam Xusseen iyo Slodaven Milosevic-kii wadanka Serbia.

Al-shabaab waxaan leeyahay.
Haddaad diin illaahay waddaan oo ay daacadnimo iyo Alla ka cabsi idinka tahay waxaad ummadda la dul wareegeysaan, oo aad tihiin ummad islaam ah oo u shaqeynaysa sida dad islaam ah, dalka manta waxaa loogu soo geed galayaa waa adinka, waxaa biraha ugu badan loo tumanayaa waa adinka dartiin, waxa ummaddaan loo laynayaa waa adinka dartiin, waxa Gumeysiga Cusub hogaanka u ah waa adinka. Illaahay inta ka baqdaan manta ayey noogu daran tahay walaahi bilaahi inaadan waxba ka galin manta waxa socda, waxbana kama qaban doontaan, sida ari weer galay oo kale ayaadna u kala yaaci doontaan markay idinkugu soo galaan meelaha aad joogtaan, ismana hortaagi kartaan ee walaalayaalow caqliga ka shaqeeya, u fekera sida ummaddaha Islaamka u fekerayaan.

Walaalayaalow manta maskax mooyaane xoog in wax lagu maquuniyo ma soconayso, walaahi mana Shaqeynayso, haddaad taasi qabtaan samir allaha idinka siiyo, xigmad baa loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay Xal lagu badbaadinayo Soomaaliya, walaahi inaanu AK47 iyo PKM, iyo RBG uusan waxba idinka dhicinayn waayo waxaa loogu tala galay Dagaalkii 2-aad ee reer galbeed iyo reer bari ku dhex maray Yurub iyo aasiya (looyaqaan dagaalkii 2-aad). Adinkuna waxaad doonaysaa inaad qarnigii 21-aad ku dagaalantaan. Walaal waa inaad garataa inaadan adigu waxba sameysan Karin hadda aynu joogno, waxaad ogaataa waxkasta oo aad ku dagaalanto inay kaaga baahan yihiin dhaqaale, dhaqaalahaasuna ay u baahan yihiin Soomaalida walaalahaa ah ee abaaraha iyo macqluusha hoostaada ay ku dilayso, waxaad ogaataa Qoriga aad doonayso inaad isaga dhiciso inuu yahay 70 Jir oo ninkii sameystay oo mid bil ka hor mid la sameeyey uu doonayo inuu kugula dagaalamo.

Maanta hadii aad geesi tahay walaalka Islaamka Sheeganayow waxaa lagaa doonayaa inaad dowladdaas galbeedka ay soo dhiseen la heshiiso inta ka horaysa bisha Febraayo 23-keeda, maxaa yeelay waa maalinta duullaanta kumeysigu go’aankeena uu qaadan doono, heshiisku dhankastaba waa ku imaan karaa, wax laysku afgartana waa jiri karaan, shuruudo iyo mabaadii’na waa jiri karaan, laakiin waxkasta oo ay noqoto waa in la helaa jid halistan looga weecan karo, loogana bixi karo. Taasoo keeni karto in dowladda iyo Urur-kiinu ay isaga Feker noqdaan Aragtida guud ee dalka iyo dadka, laguna badbaadinayo Ummaddan Islaamka ah inay meesha ay hadda joogto meel ka sii xun istaagto. Manta badbaado ayaa loo baahan yahay, Badbaado waa tii illaahay, anaguna caqli ayaa nala siiyey loo baahan yahay in dunidan lagu kala maamulo, taasoo illaahay uu na dheereysiiyey noolaha aduunka ku nool kuwa naga xoog bdan iyo kuwa nala tabar yar intuba. Bal manta aan si caam ah u wada fekern.

Maxaa ka soo baxaya hadii ay Shabaab iyo dowladdu heshiiyaan.

Waxaan u arkayaa aniga shaqsiyan.

In aragtida ahayd Shabaab ha la burburiyo ay meesha ka bixi doonto, maxaa yeelay heshiis haddii meeshaas ka soo iftiimo waxaa yaraanaysay halistii la sheegeyay
Waxaa soo baxaysa in qof heshiis doon ah aan lagu qasbin collaad
Shirkaan meesha laga wado ee lago doonayo in lagu xukun wareejiyo dalkeena, waxaa uu u noqonayaa al-baab aysan deg deg ahayn in go’aan laga qaato.
Wuxuu fursad siinayaa in dib u dhac ku yimaado shirkaas London, Ama Ajendaha Shirka in wax weyn laga badalo, maadaama uu heshiis dhacay.
Dowladdaha waaweyn ee aduunka waxay u arkayaan hadii uu heshiis bilowdo ee la tixgalin waayo weerar caddaan ah oo si qasab ah loogu qabsaday qaran Xor ah oo UN-ka ka tirsan
Wuxuu abuurayaa fursado wada hadal, wuxuuna joojinayaa gacan ka hadalka dalka ka jira
Wuxuu sameynayaa dhismaha dowladda laba dhinac ah, kadib bisha August ee uu ku eg yahay mandate-ka dowladda Soomaaliyeed.
Wuxuu meesha ka saarayaa qorshihii 21-ka August wixii ka dambeeya Talada Somali gacanteeda hala saaro.
Arinta ugu muhiimsan ee meesha taalana waxay noqonsyaa, waxaa HAKANAYA fara galinta MILITARY ee waddamada Safka Hore, sida Itoobiya iyo Kenya, waayo wada hadal haduu billowdo wax ka sokeeyaa ma jiraan, dhamaan waa istaagayaan howlgaladda dalka ka socda oo dhan.
Wuxuu fursad wanaagsan siinayaa hab dhaqanka siyaasiga ah iyo xiriirka arimaha dibadda dalka.

Shidaalka iyo xuduud baddeedka.
Arimahan waxaa soo dedejinaya oo kale qodista Shidaalka laga qodayo dhulka soomaaliyeed kaasoo dalal badan ay doonayaan inay ku lug yeeshaan, laguna Boobo khayraadka dhulka Soomaalida ku jira, waxaa soo badanaya dahana gaarka ah ee laga leeyahay Soomaaliya, laakiin maxay kala noqonayaan danahaasi? Turkey oo laga cabsi qabo inuu Cusmaaniyadda Soo celiyo, Albaabka Badweynta Hindiyana asaga fure u noqdo, Iiraan oo Uranium raadinaysa, Shidaalka dhulka soomaalida oo qodistiisu billaabatay oo dadkuu reserve ka dhigtay oo ay ula muuqanayso in gacantooda laga bixinayo, taasaa Keeneysa in Britian, France, iyo US ay Somali Mustacmarad galiyaan, si gacantooda looga bixiyo Turkey iyo Iiran oo hadda Al-baabka u taagan Badweynta Hindiya, intaas waxaa dheer Iiraan oo Al-baabkii Shidaalka gacan-ka Persia u fadhiisatay, lagana yaabo inay Go’doon ku sameyso shidaalka qaliijka iyo galbeedka oo hadda aan diyaar u ahayn inay dagaal lagalaan Iiraan dhaqaala xumadda haysta darteed, iyo Badbaadada Yuhuuda ee Bariga dhexe oo aan difaac badan heli doonin, taas ayaa ka dhibtay in Soomaaliya interest deg deg ah ay u noqoto reer galbeed-ka.

Soomaaliya waa dalka ugu Hoddansan Dunida Carabta la yiraahdo, waa meesha Urenuim ka ugu badan qaaradda Afrika uu ku jiro marka laga soo tago dalka Suudaan, waana dal aan haddana dowladda dhexe lahayn ama nidaam si wanaagsan u hirgalay, wuxuu leeyahay dalkeenu Menerals fara badan Gas iyo Shirdaal badan. Taasi waxay keenaysaa in dal sidaan oo kale noqday oo fara galin bandanna ku daahay laga shaqeysto, oo ayadoo la doonayey in sare loogu qaado dhaqaalaha galbeedka ee aadka u sii dhimanaya.

Intaas waxaa dheer oo garab socday xadaynta badda Kenya iyo Soomaaliya oo si qarsoodi ah dibadda loogu fadhiyey dowladda daaqiliga ah ee Kenya. Kenya iyo Somaliya baddahooda in la calaameeyo qorshe taagan maahayn 22 sanadood ka hore ee hadda waxa keenay waxay ahayd Dowladda Ingriiska oo doonaysa inay ceelal hadda ka hore ay sahmisay dowlada Sweden oo ku yaala badda Soomaaliyeed ee Ku dhow xuduud beenaadkii Kenya iyo Soomaaliya loo dhaxeysiiyey 1962-4, ee lagu dhaxal wareejiyey Shacabkeena NFD.

Farasiiska iyo Ingiriisku waxay u muuqanaysaa qodista Ceelasha Shidaalka ee Puntland iyo is hortaagista Golaha baarlamaanka heshiisyadii Xadaynta Badda ee Muranka badan dhalisay, inay wadna qabad ku noqotay, taasina ay keenayso in dalka ay go’aan kooda ah ku soo rogaan, kaasoo ah Gumeysi, si meesha looga saaro dalal kale oo ama hadda ku lug leh, ama ku soo fool leh, kuwaasoo ay ka baqanayaan inay kaga gacan furnaadaan marka ayaga loo eego.

Intaas waxaa dheer Soomaaliya waxay ku taalaa 2 badood oo halis ku ah Marinada maraakiibta aduunka, taasoo dalkii ay heshiis la yeelataba fursad fiican u siinaya inuu koontarool ku siyeemo Marinadda ugu saxmadda badan aduunka ee Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, taasina ay keentay inay Go’aankaas ka qaataan Soomaaliya si ay u yareeyaan waxay ku Tilmaameen Halista ku imaan karta danahooda gaarka ah.

Ibrahim Geele
Sheekeeye2005@gmail.com
Djibouti

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.